{"id":5915,"date":"2025-08-27T08:07:09","date_gmt":"2025-08-27T08:07:09","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5915"},"modified":"2025-08-27T08:07:09","modified_gmt":"2025-08-27T08:07:09","slug":"kenya-oo-sheegtay-in-la-dilay-xubno-ka-tirsanaa-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5915","title":{"rendered":"Kenya oo sheegtay in la dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco, 27 Aug 2025 {CBB}<\/strong>Shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Talaadada kadib markii ay ciidamada gaarka ah ee Kenya Defence Forces (KDF) ku weerareen dhagax-maal (ambush) deegaanka Lacta Mangai ee ku yaalla gudaha kaynta ballaaran ee Boni, ee Lamu.<\/p>\n<p>Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdan ay qorsheynayeen inay weeraraan saldhig ciidan oo ku yaalla aagga, hase ahaatee, ciidamada gaarka ah ayaa ka hortagay dhagartaas iyagoo ku socda howlgal xog-ogaal ah.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>War kasoo baxay KDF ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay xero ku-meel-gaar ah oo ay kooxdaasi ka samaysteen gudaha kaynta, halkaas oo lagu dilay shantii xubnood, iyadoo qaar kalena dhaawac ku baxsadeen.<\/p>\n<p>Inta lagu guda jiray hawlgalka, ciidamada ayaa soo qabtay hub iyo qalab fara badan oo ay kooxdu u adeegsanayeen weerarrada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:<\/p>\n<p>Qoryaha AK-47,<\/p>\n<p>Qalab RPG ah oo leh madaxyadooda,<\/p>\n<p>Xabbado rasaas ah,<\/p>\n<p>Qorraxda ku shaqeeya (solar panels),<\/p>\n<p>Teendhooyin,<\/p>\n<p>Iyo walxo lagu farsameeyo qaraxyada dhulka lagu aaso (IEDs).<\/p>\n<p>Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdaasi qorsheynaysay in ay qaraxyada ku aasaan waddooyinka ay adeegsadaan ciidamada, si ay u geystaan khasaare culus oo dhimasho iyo burbur ah.<\/p>\n<p>KDF ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay mid lagu sugayo amniga keynta Boni , kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, lana xaqiijiyo in qoysasku ku noolaadaan iyagoo aan cabsida argagixisada ka welwelin.<\/p>\n<p>Ciidamada ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan oo ay soo gudbiyaan xog kasta oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada shaki leh, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab. Waxaa la sheegay in ciidamo dheeraad ah loo diray aagga, si loo burburiyo xerada kale ee ay kooxahaasi dhisanayaan.<\/p>\n<p>Howlgalka cusub ayaa yimid iyadoo wali laga dareemayo cabsi ku saabsan isku dayga Al-shabaab ee ay kaga samaysanayaan saldhigyo gudaha kaynta Boni.<\/p>\n<p>15-kii July 2025, saddex askari oo KDF ah ayaa lagu dilay, toddoba kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii gaarigooda uu ku qarxay miino lagu aasay wadada Kiunga\u2013Sankuri ee Lamu.<\/p>\n<p>Howlgalka\u00a0 ayaa weli socda, si gebi ahaanba looga xoreeyo Al-shabaab kaynta Boni iyo deegaanada ku xeeran.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, 27 Aug 2025 {CBB}Shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Talaadada kadib markii ay ciidamada gaarka ah ee Kenya Defence Forces (KDF) ku weerareen dhagax-maal (ambush) deegaanka Lacta Mangai ee ku yaalla gudaha kaynta ballaaran ee Boni, ee Lamu. Masuuliyiinta ayaa sheegay in kooxdan ay qorsheynayeen inay weeraraan saldhig [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5916,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5915","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5915","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5915"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5915\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5917,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5915\/revisions\/5917"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5916"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5915"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5915"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5915"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}