{"id":5995,"date":"2025-08-30T08:38:27","date_gmt":"2025-08-30T08:38:27","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5995"},"modified":"2025-08-30T08:38:27","modified_gmt":"2025-08-30T08:38:27","slug":"turkiga-oo-qaaday-tallaabo-ka-dhan-israaiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=5995","title":{"rendered":"Turkiga oo qaaday tallaabo ka dhan Israa\u2019iil"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 30-Aug 2025 {CBB}<\/strong><span class=\"s1\">Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay, xilli uu baarlamaanka khudbad uga jeedinayay xasaradda Gaza, in Ankara ay hawadeeda ka xiratay diyaaradaha rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel.<\/span><\/p>\n<div>\n<div class=\"acw ac-widget-ph ac-reset\" data-loaded-pid=\"2528\" data-loaded-wid=\"001Te00000GRpTZIA1_M12826\"><\/div>\n<\/div>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cGebi ahaanba waxaanjarnay xiriirkeennii ganacsiga ee aan la lahayn Israel. Waxaan dekedaheena ka xirnay maraakiibta Israel, mana u oggolin in maraakiibta Turkiga ay ku xirtaan dekedaha Israel. Ma jiro dal kale oo si buuxda xiriirka ganacsiga ugu jaray Israel sida aan annagu yeelnay,\u201d ayuu yiri Fidan.<\/span><\/p>\n<div id=\"gpt_unit_\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_0_0\" data-onpage=\"true\" data-adpath=\"\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_0\" data-lazy-callback=\"lazy_cb_mrtpa52fb6\"><\/div>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cWaxaan ka mamnuucaynaa maraakiibta konteenarrada ee u sida hubka iyo rasaasta Israel inay soo galaan dekedaheena, sidoo kalena uma oggolin diyaaradaha Israel inay isticmaalaan hawadeena sare.\u201d<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Ku dhawaaqista Fidan ee siyaasadda duulimaad-la\u2019aanta ee ka dhanka ah diyaaradaha Israel ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo ku sugan Ankara. Si kastaba ha ahaatee, saraakiil Turki ah oo la hadlay warbaahinta\u00a0<i>Middle East Eye<\/i>, oo codsaday inaan magacooda la shaacin, ayaa caddeeyay in Turkigu uu horeyba hawadiisa uga xiray duullimaadyada rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel dabayaaqadii sanadkii 2023-kii.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Illo wareed kale oo Turki ah oo arrintan la socday ayaa sheegay in diyaaradaha caalamiga ah ee ganacsiga ee ku wajahan Israel ay weli awoodi doonaan inay isticmaalaan hawada Turkiga, isagoo beeniyay warbixinno lagu daabacay warbaahinta Israel iyo Turkiga.<\/span><\/p>\n<div id=\"gpt_unit_\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_1_0\" data-onpage=\"true\" data-adpath=\"\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_1\" data-lazy-callback=\"lazy_cb_8xj5igmgod4\"><\/div>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sida uu sheegay il-wareedka, diyaaradaha rasmiga ah, kuwa militariga, iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Israel ayaa muddo dheer laga mamnuucay hawada Turkiga, balse aan la qaadin wax tallaabooyin cusub ah oo looga hor istaagayo duullimaadyada ganacsiga ee shisheeye inay isticmaalaan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Sarkaal labaad oo Turki ah ayaa xusay in mas\u2019uuliyiinta Turkigu ay bishii November hor istaageen duullimaadkii madaxweynaha Israel, Isaac Herzog, ee uu ku tegi lahaa Azerbaijan.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cWaxaan si joogto ah u diideynay codsiyada duullimaadyada rasmiga ah ee Israel muddo aad u dheer,\u201d ayuu yiri sarkaalkaasi.<\/span><\/p>\n<div id=\"gpt_unit_\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_2_0\" data-onpage=\"true\" data-adpath=\"\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_2\" data-lazy-callback=\"lazy_cb_pt8lxeqx5a\"><\/div>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Fidan ayaa tallaabooyinkan ku sababeeyay inay jawaab u yihiin falalka Israel ee Gaza, daandaansiga ay ka waddo Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, iyo rabshadaha joogtada ah ee dadka deegaanka ee Yuhuudda ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Horaantii toddobaadkan, Fidan wuxuu sidoo kale ugu baaqay dalalka Islaamka inay ku dadaalaan in Israel laga joojiyo ka qaybgalka shirarka iyo hawlaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cWaa inaan mideynaa dadaalkeenna si aan u joogteyno una ballaarino dardarta lagu doonayo aqoonsiga Falastiin, iyadoo sidoo kalena aan hindise ka bilowno Qaramada Midoobay oo lagu doonayo xubinnimada buuxda ee Falastiin. Intaa waxaa dheer, waa inaan ka fikirnaa in Israel laga joojiyo hawlaha Golaha Guud,\u201d ayuu yiri isagoo ka hadlayay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka.<\/span><\/p>\n<div id=\"gpt_unit_\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_3_0\" data-onpage=\"true\" data-adpath=\"\/339474670,22588080692\/Caasimada\/InContent_3\" data-lazy-callback=\"lazy_cb_7jxetzwm5nx\"><\/div>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Turkigu wuxuu dhowaan soo rogay xayiraado dheeri ah oo saaran maraakiibta ay leedahay Israel iyo kuwa xiriirka la leh, isagoo ka mamnuucay inay ku soo xirtaan dekedaha Turkiga.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Tallaabooyinkan dhinaca maraakiibta ah ayaa daba socda ku dhawaaqistii Ankara ee bishii hore ee lix cunaqabataynood oo ka dhan ah Israel, kuwaasoo waafaqsan bayaan wadajir ah oo ka soo baxay Kooxda The Hague (The Hague Group) ee ka dhashay Shirkii Degdegga ahaa ee Falastiin ee lagu qabtay Bogota.<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Xiriirka Turkiga iyo Israel ayaa si weyn u xumaaday tan iyo sannadkii hore, markii uu Turkigu ku biiray dacwaddii South Africa ay ka gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, taasoo Israel ku eedeysay xasuuq. Tan iyo xilligaas, Ankara waxay si isa soo taraysa u isticmaashay fagaarayaasha caalamiga ah si ay u dhisto isbahaysi ka dhan ah xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 30-Aug 2025 {CBB}Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay, xilli uu baarlamaanka khudbad uga jeedinayay xasaradda Gaza, in Ankara ay hawadeeda ka xiratay diyaaradaha rasmiga ah iyo kuwa militariga ee Israel. \u201cGebi ahaanba waxaanjarnay xiriirkeennii ganacsiga ee aan la lahayn Israel. Waxaan dekedaheena ka xirnay maraakiibta Israel, mana u oggolin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":5996,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-5995","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5995","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=5995"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5995\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5997,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/5995\/revisions\/5997"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/5996"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=5995"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=5995"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=5995"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}