{"id":606,"date":"2024-07-22T07:10:57","date_gmt":"2024-07-22T07:10:57","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=606"},"modified":"2024-07-22T07:10:57","modified_gmt":"2024-07-22T07:10:57","slug":"sidee-ayaa-looga-falceliyay-goaankii-joe-biden-ee-kaharista-doorashada-madaxtinimada-marayakanka-2024","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=606","title":{"rendered":"Sidee ayaa looga falceliyay go\u2019aankii Joe Biden ee kaharista Doorashada Madaxtinimada Marayakanka 2024?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 22 July 2024 {CBB}<\/strong><strong>\u2013<\/strong>Qaar ka mid ah hogaamiyaasha caalamka ayaa ka fal-celiyay ka haristi uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ka haray musharraxnimada xisbiga dimoqraadiga ee tartanka doorashada madaxtinimada bisha November<\/p>\n<p><strong>JARMALKA<\/strong><\/p>\n<p>Janselerka Jarmalka Olaf Scholz, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri.<\/p>\n<p>\u201cJoe Biden wax weyn ayuu u qabtay: dalkiisa, Yurub iyo Adduunka.<\/p>\n<p>\u201cMahadi haka gaartee, iskaashiga dalalka ku yaalla jiinka badweynta atlantikada aad bey isugu dhawyihiin, NATO waa ay xooggantahay, Mareykankuna waa saaxib wanaagsan oo la isku halleyn karo. Go\u2019aankiisa ah inuusan mar kale tartamin waa mid u qalma aqoonsi.\u201d<\/p>\n<p><strong>BRITAIN<\/strong><\/p>\n<p>Ra\u2019isulwasaaraha Britain Keir Starmer: ayaa isna yiri.\u201dWaan ixtiraamayaa go\u2019aanka madaxweyne Biden, waxaana rajeynayaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno inta ka hartay madaxtinimadiisa,\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu intaasi ku daray, \u201cWaan ogahay, wixi uu sameeyay inti uu ku guda jiray waayihiisii siyaasadeed ee cajiibka ahaa. Marka madaxweyne Biden wuxuu go\u2019aankan uu gaaray isaga oo ku saleeyay waxa uu aaminsanyahay inay danta ugu jirto dadka Maraykanka.\u201d<\/p>\n<p><strong>AUSTRALIA<\/strong><\/p>\n<p>Ra\u2019isulwasaare Anthony Albanese ayaa qoraal ku yiri: \u201cWaad ku mahadsan tahay hoggaamintaada iyo adeeggaaga joogtada ah Madaxweyne Biden. Ma jirin mar uu ka xoog badnaa isxulafeysiga Australia iyo Maraykanku xilligaan, innaga oo wadaagna qiyamka dimuqraadiga ah, amniga caalamiga ah, barwaaqada dhaqaale iyo tallaabooyinka xagga cimilada ee jiilkan iyo kan soo socda.\u201d<\/p>\n<p><strong>CANADA<\/strong><\/p>\n<p>Ra\u2019isulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa yiri: \u201cWaxaan aqaanay Madaxweyne Biden muddo sanado ah. Waa nin weyn, wax kasta oo uu sameeyana waxaa haga jacaylka uu u qabo dalkiisa. Madaxweyne ahaan, waa saaxibka Kanada run ahaantii.<\/p>\n<p>\u201cMadaxweyne Biden iyo marwada koowaad: mahadsanid.\u201d Ayuu sii raaciyay.<\/p>\n<p><strong>SPAIN<\/strong><\/p>\n<p>Ra\u2019isulwasaaraha Spain Pedro Sanchez oo bartiisa X qoraal ku daabacay ayaa yir:<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku bogaadinayaa oo aan u qirayaa madaxweyne Joe Biden go\u2019aankiisa geesinnimada iyo sharafta leh. Hoggaankiisa iyo go\u2019aannadiisa dartood, Mareykanka wuxuu kasoo kabtay qalalaasihi dhaqaale ee ka dhacay Covid-ki iyo weerarki khatarta ahaa ee lagu qaaday xarunta koonagareeska. Waxaa isna tusaale ah taageeradii ku dayashada laheyd ee uu u fidiyay Ukraine kaddib duullaanka Ruushka. Waa tilmaan weyn oo ka timid madaxweyne weyn oo waligiisba dagaal ugu jiray dimoqraadiyadda iyo xorriyadda.\u201d<\/p>\n<p><strong>RUUSHKA<\/strong><\/p>\n<p>Afhayeenka aqalka Kremlin-ka Ruushka Dmitry Peskov ayaa isna yir:<\/p>\n<p>\u201cDoorashooyinka weli afar bilood ayaa ka harsan, waana muddo dheer oo wax badan ay isbedeli karaan, waxaan u baahanahay inaan dulqaadanno oo aan si taxadar leh ula socono waxa dhacaya, waxa hadda ahmiyadda noo leh waa howlgalka gaarka ah ee militariga, oo uu ula jeedo dagaalka ay ka wadaan Ukraine\u201d ayuu yiri Peskov.<\/p>\n<p><strong>UKRAINE<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy wuxuu go\u2019aanka Biden ku tilmaamay mid adag balse geesinnimo leh.<\/p>\n<p>Wuxuu yiri \u201cUkraine waxay uga mahadcelineysaa madaxweyne Biden taageerada hagar la\u2019aaneed ee uu Ukraine ku garab istaagay dagaalkeeda xoriyadda, kaas oo uu barbar socday taageerada xooggan ee labada xisbi ee Mareykanka oo wali ah mid sii socda horayna u ahaa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 22 July 2024 {CBB}\u2013Qaar ka mid ah hogaamiyaasha caalamka ayaa ka fal-celiyay ka haristi uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ka haray musharraxnimada xisbiga dimoqraadiga ee tartanka doorashada madaxtinimada bisha November JARMALKA Janselerka Jarmalka Olaf Scholz, ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri. \u201cJoe Biden wax weyn ayuu u qabtay: dalkiisa, Yurub iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":607,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27],"tags":[],"class_list":["post-606","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/606","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=606"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/606\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":608,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/606\/revisions\/608"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/607"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=606"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=606"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=606"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}