{"id":6072,"date":"2025-09-02T07:45:38","date_gmt":"2025-09-02T07:45:38","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6072"},"modified":"2025-09-03T07:49:26","modified_gmt":"2025-09-03T07:49:26","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-si-meeqaam-sare-ah-loogu-soo-dhoweeyey-madaxtooyada-serbia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6072","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia."},"content":{"rendered":"<p><strong>Belgrade, 2,Sep 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0\u2013 Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane \u0110uro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Qasriga madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, iyada oo labada dowladdood ay kala saxiixdeen Heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaruhu waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.<\/p>\n<p>Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyey Ra\u2019iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia Mudane \u0110uro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.<\/p>\n<p><strong>\u2014 Dhammaad \u2014<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Belgrade, 2,Sep 2025 {CBB}\u00a0\u2013 Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane \u0110uro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6073,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6072","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6072","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6072"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6072\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6074,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6072\/revisions\/6074"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6073"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6072"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6072"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6072"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}