{"id":6175,"date":"2025-09-09T07:21:16","date_gmt":"2025-09-09T07:21:16","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6175"},"modified":"2025-09-10T07:23:51","modified_gmt":"2025-09-10T07:23:51","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-difaacday-jaamacadda-carabta-kaddib-eedeyntii-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6175","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo difaacday Jaamacadda Carabta kaddib Eedeyntii Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Taalado, 9 Sep 2025 {CBB}<\/strong>Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa difaacay Jaamacadda Carabta kadib markii safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu ku eedeeyay ururka Jaamacadda Carabta inuu dhinac u janjeero muranka ka taagan wabiga Nile.<\/p>\n<p>Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ku leedahay xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah iyo ilaalinta madaxbannaanidooda.<\/p>\n<p>Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya ay qiimeyso taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ay ku bixiso dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waa xubin muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waana ku mahadsan tahay taageerada joogtada ah,\u201d ayuu yiri Fiqi. \u201cUjeeddadeedu waa xoojinta isku duubnida iyo wada shaqeynta dalalka xubnaha ka ah.\u201d<\/p>\n<p>Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii Danjire Suleyman Dedefo uu si cad u dhaliilay Jaamacadda Carabta, isagoo ku eedeeyay inay u adeegto sidii farac siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar.<\/p>\n<p>Dedefo wuxuu ku dooday in ururku had iyo jeer kasoo horjeedo mowqifka Itoobiya ee webiga Nile, isla markaana uu iska indha tiro dhibaatooyinka bini\u2019aadantinimo ee ka jira dalalka Carabta.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale iska tuuray walaacyada Masar ka qabto Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), isagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.<\/p>\n<p>\u201cItoobiya waxay sii wadi doontaa dhismaha biyo-xireenno cusub,\u201d ayuu yiri, isagoo ku daray in dadaallada Masar ee lagu carqaladeynayo horumarka Itoobiya ay \u201choray ugu fashilmeen.\u201d<\/p>\n<p>Jaamacadda Carabta ayaa dhawaan cambaareysay Itoobiya, kadib markii ay sii wadday mashruuca GERD iyadoo aan heshiis sharci ah oo biyo qaybsiga ah la gelin Masar iyo Suudaan.<\/p>\n<p>Qahira waxay ku doodaysaa in biyo-xireenka uu khatar ku yahay amniga biyaha dalkeeda, halka Addis Ababa ay ku doodayso inay isticmaaleyso xuquuqdeeda qarannimo ee kheyraadkeeda dabiiciga ah.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay wajahayaan xaalad diblomaasiyadeed oo adag, iyadoo isku dayaysa inay dheelitirto xiriirka ay la leedahay Itoobiya iyo Masar labadaba, iyadoo weliba dooneysa inay xiriir adag la sii yeelato labada dhinac.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taalado, 9 Sep 2025 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa difaacay Jaamacadda Carabta kadib markii safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu ku eedeeyay ururka Jaamacadda Carabta inuu dhinac u janjeero muranka ka taagan wabiga Nile. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ku leedahay xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah iyo ilaalinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6176,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6175","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6175","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6175"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6175\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6177,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6175\/revisions\/6177"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6176"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6175"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6175"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6175"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}