{"id":6178,"date":"2025-09-10T07:26:52","date_gmt":"2025-09-10T07:26:52","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6178"},"modified":"2025-09-10T07:26:52","modified_gmt":"2025-09-10T07:26:52","slug":"qadar-weerarkii-israaiil-waxa-uu-ahaa-fal-argagixiso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6178","title":{"rendered":"Qadar: Weerarkii Israa\u2019iil waxa uu ahaa fal argagixiso"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 10,September ,2025 {CBB}<\/strong>Raysalwasaaraha dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa shaaca ka qaaday in Qatar ay la kulantay weerar \u201ckhiyaano ah\u201d oo Israa\u2019iil ay ku kacday, kaasi oo keliya lagu tilmaami karo \u201cargagixiso-qarameed\u201d.<\/p>\n<p>Shir jaraa\u2019id oo uu ku qabtay magaalada Dooxa, ayaa Al Thani waxa uu carabka ku adkeeyay in dalkiisa aanu u dulqaadan doonin wax kasta oo lagu xad-gudbayo madax-banaanidiisa dhuleed, uuna si adag uga hortagi doono wax kasta oo khatar ku ah amnigiisa. Wuxuu xaqiijiyay in Qatar ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto \u201cweerar furan\u201d ayna qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Maraykanka uu ku wargeliyay Qatar weerarka toban daqiiqo kaddib markii uu dhacay, isagoo xusay in Israa\u2019iil ay adeegsatay hub aanu qaban Raadaarka. Waxa uu ku tilmaamay waxa dhacay in uu yahay \u201cisku day lagu doonayo in lagu khalkhal geliyo amniga iyo xasiloonida gobolka\u201d, isaga oo intaa ku daray in \u201cRaysalwasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu uu gobolka u horseedayo heer aan laga soo laaban karin.\u201d<\/p>\n<div class=\"sharedaddy sd-sharing-enabled\">\n<div class=\"robots-nocontent sd-block sd-social sd-social-icon-text sd-sharing\">\n<h3 class=\"sd-title\"><\/h3>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 10,September ,2025 {CBB}Raysalwasaaraha dalka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa shaaca ka qaaday in Qatar ay la kulantay weerar \u201ckhiyaano ah\u201d oo Israa\u2019iil ay ku kacday, kaasi oo keliya lagu tilmaami karo \u201cargagixiso-qarameed\u201d. Shir jaraa\u2019id oo uu ku qabtay magaalada Dooxa, ayaa Al Thani waxa uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6179,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-6178","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6178","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6178"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6178\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6180,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6178\/revisions\/6180"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6179"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6178"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6178"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6178"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}