{"id":6184,"date":"2025-09-10T07:30:34","date_gmt":"2025-09-10T07:30:34","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6184"},"modified":"2025-09-10T07:30:34","modified_gmt":"2025-09-10T07:30:34","slug":"madaxweynaha-mareykanka-oo-war-cusub-kasoo-saaray-weerarkii-qatar-lagu-qaaday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6184","title":{"rendered":"Madaxweynaha Mareykanka Oo War Cusub kasoo Saaray Weerarkii qatar lagu qaaday."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 10,September ,2025 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in go\u2019aanka Israel ay ku weerartay Qatar Talaadadii uu ahaa mid uu si iskiis ah u gaaray Ra\u2019iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uusan ahayn go\u2019aan uu isagu la qabay.<\/p>\n<p>\u201cIn si keligii-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah qaran madax-bannaan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka, isla markaana si adag oo geesinimo leh noogala shaqeyneysa sidii nabad loo dhex dhigi lahaa, ma hormarinayso danaha Israel iyo kuwa Mareykanka,\u201d ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada.<\/p>\n<p>Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Trump, uu \u201caad uga xun yahay\u201d weerarkii Israel ay la beegsatay bartilmaameedyo ay leedahay Xamaas oo ku yaalla dalka Qatar, uuna faray la-taliyihiisa sare, Steve Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarkaas soo socda.<\/p>\n<p>Ururka Xamaas, oo mas\u2019uul ka ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar, 2023, ee lagu qaaday koonfurta Israel kaasoo laga soo abaabulay Gaza, ayaa sheegay in shan ka mid ah xubnihiisa lagu dilay weerarka Israel ee ka dhacay magaalada Doha, waxaana ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ee masaafuriska ku maqan, Khalil al-Hayya.<\/p>\n<p>Dowladda Mareykanka waxay Qatar u aragtaa saaxiib muhiim ah oo ay ku leedahay Khaliijka, waxayna ku tiirsanayd doorka dhexdhexaadinta ah ee ay Qatar ka qaadanaysay wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin dagaalka Gaza.<\/p>\n<p>Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in ciidanka Mareykanka ay subaxnimadii Talaadada maamulka ku wargeliyeen in weerarka Israa\u2019iil uu dhici doono. Waxayse ka gaabsatay inay ka jawaabto su\u2019aal laga weydiiyey ciddii wargelisay ciidanka Mareykanka.<\/p>\n<p>Markii uu Trump arrintaas ka war helay, wuxuu faray Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka, Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarka soo socda, sida ay sheegtay.<\/p>\n<p>Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in weerarka lagu soo wargeliyey markii uu socday 10 daqiiqo kadib.<\/p>\n<p>Weerarka kaddib, Trump wuxuu la hadlay Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil, Benjamin Netanyahu, iyo sidoo kale Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayay tiri.<\/p>\n<p>Wuxuu u xaqiijiyey hoggaamiyaha Qatar in \u201carrintan oo kale aysan mar dambe ka dhici doonin dhulkooda.\u201d Waxay ku tilmaantay weerarka \u201cdhacdo nasiib-darro ah\u201d waxayna sheegtay in Trump uu \u201caad uga xun yahay\u201d goobta uu weerarku ka dhacay.<\/p>\n<p>Mareykanka ayaa isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo heshiis xabbad-joojin ah oo lagu sii deynayo la haystayaasha, si loo helo sii deynta maxaabiista harsan loona eego qorshaha mustaqbalka Gaza ee xilliga dagaalka kaddib.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 10,September ,2025 {CBB}\u00a0Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in go\u2019aanka Israel ay ku weerartay Qatar Talaadadii uu ahaa mid uu si iskiis ah u gaaray Ra\u2019iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uusan ahayn go\u2019aan uu isagu la qabay. \u201cIn si keligii-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah qaran madax-bannaan oo saaxiib dhow la ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6185,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-6184","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6184","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6184"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6184\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6186,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6184\/revisions\/6186"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6185"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6184"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6184"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6184"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}