{"id":6255,"date":"2025-09-16T08:28:05","date_gmt":"2025-09-16T08:28:05","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6255"},"modified":"2025-09-17T08:31:10","modified_gmt":"2025-09-17T08:31:10","slug":"goaamo-noocee-ah-ayaa-kasoo-bixi-doona-shirka-dalalka-islaamka-iyo-carabta-ee-dooxa-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6255","title":{"rendered":"Go\u2019aamo noocee ah ayaa kasoo bixi doona shirka dalalka Islaamka iyo Carabta ee Dooxa.?"},"content":{"rendered":"<p><strong>\u00a0<\/strong>Shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ka socda dalka Qadar, kaasi oo looga jawaabayo duqeynta ay Israa\u2019iil ku qaadday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ka dhacay magaalada Dooxa toddobaadkii hore.<\/p>\n<p>Qaraar qabyo ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay \u201cFalalka cadawtinimada leh ee ay ku jiraan xasuuqa, isir sifeynta, [iyo] gaajada\u201d, taasoo ay sheegtay in ay khatar ku tahay \u201crajada nabadda iyo wada noolaanshaha\u201d. Israa\u2019iil ayaa si adag u beenisay eedeymahaas.<\/p>\n<p>Ma cadda go\u2019aamada wax ku oolka ah ee la qaadan karo, iyadoo falanqeeyeyaasha ay sheegayaan in nooc kasta oo ka mid ah jawaab celinta milatari aysan su\u2019aal ka taagneyn.<\/p>\n<p>Mar sii horreysay, Ra\u2019iisul Wasaaraha Qadar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim al-Thani ayaa ku boorriyay beesha caalamka inay joojiyaan ku dhaqanka \u201ccaddaalad-darrada\u201d iyo in la ciqaabo Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Isagoo u ambabaxaya Israa\u2019iil Sabtidii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Trump \u201cuusan jeclayn qaabkii [Weerarkii Qatar] u dhacay\u201d.<\/p>\n<p>Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, Rubio waxa uu la kulmi doonaa madaxda Israa\u2019iil si uu ugala hadlo dagaalka Marinka Qasa iyo arrimo kale oo muhiim ah oo saameeya Bariga Dhexe.<\/p>\n<p>Weerarkii Israa\u2019iil ay ku qaadday caasimadda Qadar waxaa toddobaadkii hore cambaareeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>\u201cXubnaha goluhu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in xiisadda la dejiyo, waxayna muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Qatar,\u201d 15-ka xubnood ee golaha ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.<\/p>\n<p>Israa\u2019iil ayaa difaacday tillaabada ay qaaday, iyadoo Madaxweyne Isaac Herzog uu sheegay in duqeyntu ay lama huraan u tahay in dadka qaar laga saaro, haddii aysan raalli ka ahayn in la helo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.<\/p>\n<p>Xamaas waxa ay sheegtay in kooxdeeda wada xaajoodka ay ka badbaadeen duqaynta Israa\u2019iil 9-kii Sebtembar \u2013 laakiin shan ka mid ah xubnahooda ayaa la dilay, oo uu ku jiro wiil uu dhalay madaxa wada-xaajoodka kooxda Khalil al-Hayya. Sidoo kale waxaa la dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka Qadar.<\/p>\n<p>Qadar ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dhexdhexaadinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka, iyada oo dhexdhexaadiye ka ahayd wada-hadallada dadban ee Xamaas iyo Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Waxay martigelisay xafiiska siyaasadda Xamaas tan iyo 2012-kii, waana saaxiib dhow oo Mareykanka ah, oo martigeliyay saldhig weyn oo ciidamada cirka Mareykanka ah oo ku yaal saxaraha u dhow Dooxa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u00a0Shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ka socda dalka Qadar, kaasi oo looga jawaabayo duqeynta ay Israa\u2019iil ku qaadday hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ka dhacay magaalada Dooxa toddobaadkii hore. Qaraar qabyo ah oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay \u201cFalalka cadawtinimada leh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6258,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6255","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6255","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6255"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6255\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6260,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6255\/revisions\/6260"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6258"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6255"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6255"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6255"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}