{"id":6278,"date":"2025-09-17T08:54:35","date_gmt":"2025-09-17T08:54:35","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6278"},"modified":"2025-09-17T08:54:35","modified_gmt":"2025-09-17T08:54:35","slug":"qaxii-ugu-weynaa-oo-ka-socda-magaalada-qasa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6278","title":{"rendered":"Qaxii ugu weynaa oo ka socda Magaalada Qasa."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco, 17-Sep 2025 {CBB}<\/strong><strong>\u00a0<\/strong>Talaado Kumanaan qoys ayaa isku dayaya inay ka qaxaan magaalada Qaza xilli ciidamada Israa\u2019iil ay xaqiijiyeen inay bilaabeen howlgallo dhulka ah oo qeyb ka ah weerarrada ballaaran ee ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada.<\/p>\n<p>Lina al-Maghrebi, oo 32 jir ah, hooyo saddex carruur ah leh oo deggan xaafadda Sheekh Radwan ee magaalada ayaa BBC-da u sheegtay in ay ka madax adaygtay in ay ka baxdo gurigeeda \u2013 inkasta oo ay khatartu jirto \u2013 ilaa ay ka heshay taleefoon uu soo diray sarkaal Israa\u2019iili ah oo ku amray in ay ka guurto.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa la igu qasbay in aan iibiyo dahabkayga si aan u bixiyo kharashka barakaca iyo teendhada,\u201d ayay tiri. \u201cWaxay nagu qaadatay 10 saacadood inaan gaarno Khan Younis, waxaana bixinnay 3,500 shekel (\u00a3735) oo ah kharashka lagu raacayo gaadiidka. Safka baabuurta ee isku xiriirsan iyo kuwa xamuulka ayaa u muuqday kuwo aan dhammaad lahayn\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in howlgal xooggan uu ka billowday magaalada Qaza, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay xaruntii ugu dambeysay ee Xamaas.<\/p>\n<p>Milateriga Israa\u2019iil ayaa waddada xeebta ee al-Rashid u asteeyey waddada keliya ee loo oggol yahay dadka rayidka ah inay ku guuraan. Dad badan ayaa ku tilmaamay inay halkaa ka jirto saxmad daran, safaf aan dhamaad lahayn oo baabuurta caadiga ah iyo kuwa xamuulka ah, iyo dib u dhac dheer, iyadoo qoysasku ay ku xayiran yihiin hareeraha waddooyinka, halka duqeymaha cirkana ay sii socdaan.<\/p>\n<p>Hawlgalka ayaa waxaa uu soo jiitay cambaareyn ballaaran oo caalami ah oo ay ku jiraan kuwo ka imaanaya madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka.<\/p>\n<p>Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Yvette Cooper ayaa weerarka ku tilmaantay \u201cmid ka fiirsasho la\u2019aan ah oo laga naxo\u201d, iyadoo sheegtay in uu \u201ckaliya keeni doono dhiig badan oo daata, dilal dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan, khatarna gelinaya la haystayaasha haray\u201d.<\/p>\n<p>Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa u muuqday in uu si bareer ah u taageeray hawlgalka Israa\u2019iil intii lagu jiray shir jaraa\u2019id oo ay si wadajir ah u qabteen Netanyahu Isniintii, isaga oo sheegay in Maraykanku uu door biday in wadahadal lagu dhammeeyo dagaalka, laakiin \u201cmararka qaarkood marka aad la macaamilayso koox qallafsan sida Xamaas, taasi suurtogal maaha\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Weerarada cuslaa ee Israa\u2019iil ayaa ku soo beegmaya xilli guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan baaritaannada ay soo saareen warbixin ay ku sheegeen in Israa\u2019iil ay xasuuq u geysanayso Falastiiniyiinta ku nool Gaza. Israa\u2019iil ayaa si cad u diiday warbixinta.<\/p>\n<p>Nivin Imad al-Din, oo 38 jir ah, waa hooyo leh shan carruur ah, waxay sheegtay inay u qaxday koonfurta ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israa\u2019iil ay xaafaddeeda ku daadiyeen waraaqo lagu ogeysiinayo daadgureynta, inkastoo ninkeeda uu diiday inuu ka baxo gurigooda.<\/p>\n<p>\u201cMa qaadan karin alaabtayda guriga sababtoo ah ma awoodin in aan bixiyo kharashka baabuur weyn,\u201d ayay sharaxday. \u201cInaan wax walba ka tago waxay ahayd go\u2019aankii ugu adkaa ee aan abid qaato\u201d.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale.webp\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-425839\" title=\"{DAAWO SAWIRADA} Qaxii ugu weynaa oo ka socda Magaalada Qasa. 2\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale.webp\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale.webp 800w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale-300x168.webp 300w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale-768x431.webp 768w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale-748x420.webp 748w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale-150x84.webp 150w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/qax-kale-696x391.webp 696w\" alt=\"qax kale\" width=\"800\" height=\"449\" \/><\/a><\/p>\n<p>Qiimaha barakicida ayaa kor u kacay si ka baxsan inta badan qoysaska. Dadka deegaanka ayaa sheegay in kirada baabuurta yaryar ay hadda ku kacayso ilaa 3,000 shekel (\u00a3630), halka teendhada shanta qof qaaddana lagu iibiyo ilaa 4,000 shekel (\u00a3840). Iyadoo qoysaska intooda badan ay waayeen wax dakhli ah tan iyo markii uu dagaalku bilowday, qaar ayaa lagu qasbay inay socdaan masaafo maylal ah ama ay ku joogaan guryahooda in kasta oo ay jiraan khataro.<\/p>\n<p>Habeenimadii Talaadada, diyaaradaha dagaalka Israa\u2019iil ayaa mowjado duqeymo culus ah ka fuliyay guud ahaan magaalada Qaza, iyadoo duqeymo xooggan ay ka dhaceen xaafadda Al-Daraj ee bartamaha, xerada qaxootiga xeebta ee galbeedka, iyo xaafadda Sheikh Radwan oo ku taalla waqooyiga.<\/p>\n<p>Weerarrada ayaa waxaa barbar socday madaafiic, rasaas ay ridayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dhaq dhaqaaq diyaarado Helicopter ah.<\/p>\n<p>Ciidamada difaaca Israa\u2019iil ayaa sheegay in ay si \u201ctartiib ah\u201d ugu sii gudbayaan magaalada Qaza, taasoo qayb ka ah \u201cwejiga xiga\u201d ee weerarkooda.<\/p>\n<p>Waxa ay sheegtay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ay qeyb ka noqon doonaan marxaladan xigta ee howlgalka ciidamada, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan tirada ciidamada.<\/p>\n<p>Dadka deegaanka ayaa ku tilmaamay weerarrada habeenimo in ay ahaayeen \u201ccadaab\u201d.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii.webp\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-425840\" title=\"{DAAWO SAWIRADA} Qaxii ugu weynaa oo ka socda Magaalada Qasa. 3\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii.webp\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii.webp 800w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii-300x200.webp 300w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii-768x512.webp 768w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii-630x420.webp 630w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii-150x100.webp 150w, https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/09\/Qaxii-696x464.webp 696w\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" \/><\/a><\/p>\n<p>Ghazi al-Aloul, oo ka soo barakacay waqooyiga Gaza, ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda seexanayo albaabka cisbitaalka al-Quds ee Tel al-Hawa, ee koonfur-galbeed ee Qaza.<\/p>\n<p>\u201cMa dooran tan,\u201d ayuu yiri. \u201cWaxaa la igu qasbay ka dib markii aan ka soo tagay gurigii aan aniga iyo qoyskeygaba ku hoyanaynay jirnay muddo bil ku dhow ka dib markii aan ka soo qaxnay waqooyiga\u201d.<\/p>\n<p>\u201cDuqeymahan ayaa ahaa kuwo waali ah oo socday muddo saacado ah, waxaana ciidamadu ay ku goodiyeen inay burburin doonaan dhismayaal dhowr ah oo deegaanka ah\u201d.<\/p>\n<p>Sami Abu Dalal, oo ka socda al-Daraj oo ku taal bartamaha Qaza, ayaa ku tilmaamay habeenkaas mid aad u adag.<\/p>\n<p>\u201cDhammaan baloogyada la dego ayaa dhulka lala simay ayadoo ay ku jiraan dadkii deganaa, taasoo keentay in badan oo dhintay, qaar la la\u2019yahay ama kuwo dhaawacmay\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Waxa uu sheegay in Israa\u2019iil ay ku soo wajahan tahay saddex jiho \u2013 waxaana barbar socday adeegsiga gawaadhida dabin ahaanta loo isticmaalo, weerarro xooggan oo xagga cirka ah, iyo duqeymo xooggan. Dhanka kale, diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Apache ayaa dul heehaabayay qaybaha kala duwan ee magaalada, iyagoo si joogto ah u ridayay rasaas.<\/p>\n<p><strong>Xigasho BBC<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco, 17-Sep 2025 {CBB}\u00a0Talaado Kumanaan qoys ayaa isku dayaya inay ka qaxaan magaalada Qaza xilli ciidamada Israa\u2019iil ay xaqiijiyeen inay bilaabeen howlgallo dhulka ah oo qeyb ka ah weerarrada ballaaran ee ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada. Lina al-Maghrebi, oo 32 jir ah, hooyo saddex carruur ah leh oo deggan xaafadda Sheekh Radwan ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6279,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-6278","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6278","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6278"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6278\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6280,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6278\/revisions\/6280"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6279"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6278"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6278"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6278"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}