{"id":6328,"date":"2025-09-21T15:48:05","date_gmt":"2025-09-21T15:48:05","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6328"},"modified":"2025-09-21T15:48:05","modified_gmt":"2025-09-21T15:48:05","slug":"wasiirka-gaashaandhigga-soomaaliya-oo-taageero-u-muujiyey-ilhan-omar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6328","title":{"rendered":"Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo taageero u muujiyey Ilhan Omar?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad, 21,Sep 2025 {CBB}<\/strong>Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray: \u201cHaddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi doonaa\u2026 Anigoo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, si cad ayaan u leeyahay Waxaan la jirayaa Ilhan.\u201d<\/p>\n<p>Fiqi wuxuu sidoo kale ku tilmaamay Ilhan \u201cgabar tusaale fiican u ah bulshada,\u201d isagoo xusay inay guul gaartay \u201ciyada oo aan cidna ku tiirsanayn.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka dhaleeceynaya aysan xaq u lahayn in ay \u201cSoomaaliya ku eedeeyaan ama u gafaan meesha ay ka dhalatay awgeed.\u201d<\/p>\n<p>Hadalka Wasiirka ayaa si degdeg ah u kiciyey dood ku saabsan hab-dhaqanka diblomaasiyadeed iyo faragelinta arrimaha gudaha ee waddan kale.<\/p>\n<p>Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib markii Ilhan Omar ay dhaleeceyn adag ay kala kulantay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo wax ka sheegay Dalka ay kasoo jeedo ee Soomaaliya si lamid ah markii ay habka qaxootiga ah ay ku galaysay wadankaasi.<\/p>\n<p>Ilhan Omar, oo ah gabadh Soomaali-Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa marar badan wajahday dhaleeceyn la xiriirta aragtideeda siyaasadeed iyo asalka dalka ay ka soo jeedo, Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo tahay si weyn taageero uga haysataa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool iyo kuwa gudaha Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad, 21,Sep 2025 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Ahmed Moallim Fiqi, ayaa si cad ugu muujiyey taageero Congress-woman Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, taasoo keentay fal-celin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba laga dareemay. Wasiir Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku qoray: \u201cHaddii gabadheenna loo beegsanayo aqoonsigeeda, si adag ayaan u garab istaagi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6329,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6328","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6328","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6328"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6328\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6330,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6328\/revisions\/6330"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6329"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6328"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6328"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6328"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}