{"id":6365,"date":"2025-09-23T06:53:42","date_gmt":"2025-09-23T06:53:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6365"},"modified":"2025-09-24T06:56:12","modified_gmt":"2025-09-24T06:56:12","slug":"dembele-oo-ku-guuleystay-abaalmarinta-ballon-dor-2025","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6365","title":{"rendered":"Dembele oo ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d\u2019Or 2025?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, Sep 23, 2025 {CBB}<\/strong>Habeen taariikhi ah oo ka dhacday magaalada Paris, ayaa ciyaaryahanka reer France ee Ousmane Dembele ku guuleystay abaalmarinta ugu qiimaha badan kubadda cagta caalamka ee Ballon d\u2019Or 2025, taasoo uu markii ugu horreysay noloshiisa ku hantiyey.<\/p>\n<p>Munaasabadda ayaa lagu qabtay Aqalka Ch\u00e2telet ee caanka ah, waxaana Dembele uu abaalmarinta guddoonsiiyay halyeygii xulka Brazil Ronaldinho, isagoo la guddoonsiiyay kadib xilli ciyaareed cajiib ah uu la qaatay kooxdiisa Paris Saint-Germain, taasoo uu kula guuleystay afar koob.<\/p>\n<p>Dembele ayaa si weyn uga mahadceliyay kooxda PSG iyo tababarihiisa Luis Enrique, oo uu ku tilmaamay \u201csida aabbihiisi oo kale\u201d.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay in uu wali la yaaban yahay sida uu ku gaaray heerkan, isagoo yiri \u201cMahadsanidiin, waxay ii ahayd Xilli ciyaareed layaab.\u201d<\/p>\n<p>Dembele wuxuu noqday laacibkii lixaad ee Faransiis ah ee ku guuleysta Ballon d\u2019Or, waxaana uu dalkiisa u keenay abaalmarinta sagaalaad, iyadoo Michel Platini uu saddex jeer ku guuleystay intii u dhaxeeysay (1983\u20131985), halka ciyaartoyda kale ay kala yihiin Raymond Kopa oo ku guuleeystay sanadkii (1958), Jean-Pierre Papin (1991), Zinedine Zidane (1998) iyo Karim Benzema oo ku guuleeystay sanadkii (2022).<\/p>\n<p>Dhanka kale, xiddiga da\u2019da yar ee Barcelona iyo Spain, Lamine Yamal, inkastoo uusan ku guuleysan Ballon d\u2019Or, haddana wuxuu mar kale hantiyey abaalmarinta Kopa Trophy, oo la siiyo ciyaartoyga ugu fiican adduunka ee da\u2019diisu ka hooseyso 21 sano, Tani waxay ahayd markii labaad oo xiriir ah uu Yamal ku guuleysto abaalmarintan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, Sep 23, 2025 {CBB}Habeen taariikhi ah oo ka dhacday magaalada Paris, ayaa ciyaaryahanka reer France ee Ousmane Dembele ku guuleystay abaalmarinta ugu qiimaha badan kubadda cagta caalamka ee Ballon d\u2019Or 2025, taasoo uu markii ugu horreysay noloshiisa ku hantiyey. Munaasabadda ayaa lagu qabtay Aqalka Ch\u00e2telet ee caanka ah, waxaana Dembele uu abaalmarinta guddoonsiiyay halyeygii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6366,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[25,1],"tags":[],"class_list":["post-6365","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-ciyaaraha","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6365","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6365"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6365\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6367,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6365\/revisions\/6367"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6366"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6365"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6365"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6365"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}