{"id":6431,"date":"2025-09-26T08:23:15","date_gmt":"2025-09-26T08:23:15","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6431"},"modified":"2025-09-27T08:24:57","modified_gmt":"2025-09-27T08:24:57","slug":"mucaaradka-dfs-oo-ku-adkeesanaya-inay-banaanbax-nabadeed-ku-qabanayaan-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6431","title":{"rendered":"Mucaaradka DFS oo ku adkeesanaya inay banaanbax nabadeed ku qabanayaan Muqdisho."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 26, Sep 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri \u201cBanaanbax iyo Xorriyadda hadalka waa xuquuq uu Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka dammaanad qaaday ayadoon cidna fasax la weydiisaneyn, Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.\u201d<\/p>\n<p>Mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa horay u shaaciyay in banaanbaxyadu ka dhici doonaan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir, balse tallaabadan ayaa si cad uga hor timid dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, iyo hay\u2019adaha amniga qaranka.<\/p>\n<p>Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, iyadoo laga dareemayo adkeyn dhanka amniga ah.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xubin muhiim ka ah Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhinaciisa waxa uu shacabka la wadaagay fariin u qorneeyd \u201cSi aan uga hortagno dhul boobka, barakicinta iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka, waxaa waajib qaran nagu ah in aan codkeenna mideyno, innagoo si cad u muujinayna diidmaddeenna una istaagayna joojinta gaboodfalka, Berri, si wadajir ah ayaan isugu iman doonnaa Siinaay, Dayniille iyo Tarabuunka.\u201d<\/p>\n<p>Dowladda ayaa uga digtay mucaaradka in ay qaadaan tallaabooyin ay ku abaabulayaan mudaharaadyo aysan dowladda ogoleyn, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay keeni karto qalalaase amni.<\/p>\n<p>\u201cDowladda Federaalka ma oggolaan doonto isu-soo-bax sharci darro ah oo khatar galin kara nabadgelyada,\u201d ayey tiri wasaaradda amniga gudaha.<\/p>\n<p>Si kastaba, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii wada shirar iyo kulamo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyagoo ku doodaya in ay leeyihiin xaq dastuuri ah oo ay ku cabbiri karaan aragtidooda iyada oo aan la caburin.<\/p>\n<p>Xiisaddan sii xoogeysaneysa ayaa walaac weyn ku abuurtay shacabka Muqdisho, kuwaasoo ka baqaya in ay dhacaan iska horimaadyo dhex mara ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha mucaaradka haddii mudaharaadka la qabto.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 26, Sep 2025 {CBB}Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri \u201cBanaanbax iyo Xorriyadda hadalka waa xuquuq uu Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka dammaanad qaaday ayadoon cidna fasax la weydiisaneyn, Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.\u201d Mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa horay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6432,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6431","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6431","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6431"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6431\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6433,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6431\/revisions\/6433"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6432"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6431"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6431"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6431"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}