{"id":6464,"date":"2025-09-28T07:21:50","date_gmt":"2025-09-28T07:21:50","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6464"},"modified":"2025-09-28T07:21:50","modified_gmt":"2025-09-28T07:21:50","slug":"taliye-sahal-oo-amray-in-deg-deg-al-shabaab-looga-saaro-degmada-awdheegle","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6464","title":{"rendered":"Taliye Sahal oo amray in deg deg Al-shabaab looga saaro Degmada Awdheegle."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 28, Sep 2025 {CBB}<\/strong>Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).<\/p>\n<p>Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S\/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-shabaab.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Safarka Taliyaha waxaa ku wehlinayay Taliyaha Sector-ka 1-aad ee AUSSOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka.<\/p>\n<p>Intii uu ku sugnaa jiidda hore, Taliyaha ayaa kormeeray goobaha ay ciidamada ka wadaan howlgallada, isagoo ku ammaanay guulaha la gaaray iyo jabkii culus ee la gaarsiiyay Al-shabaab.<\/p>\n<p>Wuxuu faray ciidamada is garabsanaya inay sii xoojiyaan dagaalka illaa laga soo afjaro goobaha ay\u00a0 As gabbaadka ka dhigteen.<\/p>\n<p>Sidoo kale Taliyaha ayaa amar bixiyay in deg deg loo qabto degmada Awdheegle oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku sugan yihiin.<\/p>\n<p>Shabeellaha Hoose ayaa hadda ka socda wajiga saddexaad ee hawlgalka \u201cDuufaanta Aamusan\u201d, kaas oo lagu beegsaday saldhigyada iyo difaacyada Al-shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhowdahay qorshaha ah in laga xoreeyo degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 28, Sep 2025 {CBB}Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaq ballaaran oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, S\/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanno ku dhow degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku sugan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6465,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6464","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6464","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6464"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6464\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6466,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6464\/revisions\/6466"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6465"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6464"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6464"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6464"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}