{"id":6476,"date":"2025-09-29T10:29:25","date_gmt":"2025-09-29T10:29:25","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6476"},"modified":"2025-09-30T10:31:41","modified_gmt":"2025-09-30T10:31:41","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-shidaalka-soomaaliya-wuxuu-noqon-doonaa-iftiin-dhaqaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6476","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh: \u201cShidaalka Soomaaliya Wuxuu Noqon Doonaa Iftiin Dhaqaale\u201d?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isnliin 29 Sep 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka ku sheegay in dowladda Federaalka ay si dhab ah u guda geli doonto ka faa\u2019iidaysiga shidaalka dabiiciga ah ee dalka, kaas oo la xaqiijiyey inuu ka mid yahay keydadka ugu ballaaran ee shidaal ee laga heli karo caalamka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bilaha soo socda la bilaabi doono wax-soo-saarka ceelkii shidaalka ugu horreeyay, taas oo noqon doonta tallaabo weyn oo horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay arrintani u leedahay koboca dhaqaale, shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ka faa\u2019iideysan doonnaa shidaalka dalkeenna oo la hubiyay in uu ku jiro keydkii ugu badan shidaal ee adduunka laga heli karo,\u201d ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda ay mushaar siiso ku dhawaad 100,000 oo qof oo isugu jira ciidamo, xildhibaano, macallimiin, iyo shaqaale rayid ah, mushaarkaas oo laga bixiyo canshuuraha gudaha laga ururiyo, Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee si daacad ah u bixiya canshuuraha, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarka dalka uu ku xiranyahay wadajir iyo isla xisaabtan dhab ah.<\/p>\n<p>Qodista shidaalka iyo dardar-gelinta canshuur ururinta ayaa loo arkaa tallaabooyin istiraatiiji ah oo wax ka beddeli kara mustaqbalka Soomaaliya, haddii loo fuliyo si hufan, daahfuran, lana hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa\u2019iideyso.<\/p>\n<p>Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay si buuxda uga faa\u2019iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana ay u beddesho fursado wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha shacabka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isnliin 29 Sep 2025 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka ku sheegay in dowladda Federaalka ay si dhab ah u guda geli doonto ka faa\u2019iidaysiga shidaalka dabiiciga ah ee dalka, kaas oo la xaqiijiyey inuu ka mid yahay keydadka ugu ballaaran ee shidaal ee laga heli karo caalamka. Madaxweyne Xasan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6477,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6476","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6476","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6476"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6476\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6478,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6476\/revisions\/6478"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6477"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6476"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6476"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6476"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}