{"id":6524,"date":"2025-10-04T09:31:03","date_gmt":"2025-10-04T09:31:03","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6524"},"modified":"2025-10-04T09:31:03","modified_gmt":"2025-10-04T09:31:03","slug":"hayadda-wfp-oo-sheegtay-in-malaayiin-soomaali-ah-ay-haysato-cunno-laaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6524","title":{"rendered":"Hay\u2019adda WFP oo sheegtay in Malaayiin Soomaali ah ay haysato cunno la\u2019aan"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 4 Oct , 2025 {CBB}<\/strong>Hay\u2019adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in Malaayiin qof oo Soomaaliy ah ay cunno la\u2019aan ku haysato gudaha Dalka, waxa ay xustay in keliya gargaar degdeg ah ay heli karaan dad gaaraya 350 kun oo ruux sida lagu sheegay bayaanka ay soosaartay.<\/p>\n<p>WFP waxa ay intaas ku dartay in tobankii ruux qof kamid ah uu caawinaad u baahan tahay, taasi waxa ay muujinaysaa heerka cunno la\u2019aanta ah iyo kaalmadeeda oo aad u yar maadaama taakuladii ay heli jartay laga jartay sida ay hadalka u dhigtay.<\/p>\n<p>Waxa ay ka digtay in gaajada ama cunno la\u2019aanta jirta ay isku baddeli karto macluul waa haddii aan gargaar degdeg ah la gaarsiiyo, saddex meelood labo meel ayaa u sugaysa caawinaad aan waqti badan qaadan Karin ama la sugi Karin.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaxa aan aragnaa halista cunno la\u2019aanta ee sii kordhaysa, ma awoodno in aan si degdeg ah u daboolno sabab la xiriirto caawinaad oo aan haysan, waxaa si degdeg ah loogu baahan yahay in la garab istaago Dadkaas si loo caawiyo\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Ross Smith, Agaasimaha Hay\u2019adda WFP ee u diyaargarowga iyo Jawaab celinta degdega ah.<\/p>\n<p>Xog-baaristii ugu dambeysay ee lagu sameeyay heerka cunno la\u2019aanta dadka ay haysato ayaa sidoo kale lagu sheegay in 4.4 Milyan oo ruux oo Soomaali ah si dhab ah u saamaysay inkasta oo ay kala daran yihiin Dadkaas sida bayaanka WFP lagu xusay.<\/p>\n<p>Gunaanadkii Hay\u2019adda Cunnada Adduunka ee WFP waxa ay dalbatay in la helo lacag dhan $98 Milyan oo doollar oo degdeg ah si loo caawiyo ugu yaraan 800,000 oo ruux u baahan naf badbaadin ilaa Bisha Maarso sanadka soo socda 2026.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 4 Oct , 2025 {CBB}Hay\u2019adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in Malaayiin qof oo Soomaaliy ah ay cunno la\u2019aan ku haysato gudaha Dalka, waxa ay xustay in keliya gargaar degdeg ah ay heli karaan dad gaaraya 350 kun oo ruux sida lagu sheegay bayaanka ay soosaartay. WFP waxa ay intaas ku dartay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6525,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6524","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6524","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6524"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6524\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6526,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6524\/revisions\/6526"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6525"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6524"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6524"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6524"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}