{"id":6576,"date":"2025-10-06T07:39:34","date_gmt":"2025-10-06T07:39:34","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6576"},"modified":"2025-10-07T07:42:43","modified_gmt":"2025-10-07T07:42:43","slug":"wasiir-fiqi-weerarkii-jilicow-wuxuu-ahaa-mid-as-ku-qarinayeen-guul-darooyin-kasoo-wajahay-furimaha-dagaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6576","title":{"rendered":"Wasiir Fiqi \u201cWeerarkii Jilicow wuxuu ahaa mid AS ku qarinayeen guul darooyin kasoo wajahay furimaha dagaalka\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talado 6, Oct 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Wasiirka Wasaararda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shir jaraa\u2019id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay guulaha ciidanka xoogga dalka kasoo hoyeen howlgalada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo weerarkii kooxdu ka geystay godka Jilicow.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidanka dowladdu ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda Al-shabaab looga xureeyay deegaanada kala ah Awdhiigle, Bariire, Sabiib, Canoole iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Fiqi in howlgaladan loogu magac daray duufaanta aamusan ay qeyb ka yihiin dadaalo balaaran oo lagu xoreynayo dhamaan dhulka ay gacanta ku hayaaan Al-shabaab.<\/p>\n<p>\u201cCiidamada xoogga dalka waxay muujinayaan geesinimo iyo karti ay ku xoreynayaan deegaanada ay cadowgu ku dhuumanayaan, waxaan xaqiijinaynaa in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa dalka laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah\u201d ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.<\/p>\n<p>Dhanka kale Wasiir Fiqi ayaa weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday godka Jilicow ku tilmaamay mid muujinaya naf lacaariga maleshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ay ku qarinayaan guul darooyinka ay kala kulmeen howlgaladii ugu dambeeyay ee dhacay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cKhawaarijta weerarkii Jilicow wuxuu ahaa mid ay ku qarinayeen guul darrooyinka ka soo wajahay furimaha dagaalka ee Sabiib, Caanoole, Bariire, Ceeldheer iyo xoreyntii ugu dambeysay ee Awdheegle, waxaan dhihi karnaa Al-shabaab waxay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay\u201d ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada dowladda si dalka looga xureeyo kooxda Al-shabaab ee dhibaatada daran ku haysa shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talado 6, Oct 2025 {CBB}\u00a0Wasiirka Wasaararda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shir jaraa\u2019id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay guulaha ciidanka xoogga dalka kasoo hoyeen howlgalada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo weerarkii kooxdu ka geystay godka Jilicow. Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidanka dowladdu ka gaareen dagaaladii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6577,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6576","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6576","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6576"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6576\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6578,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6576\/revisions\/6578"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6577"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6576"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6576"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6576"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}