{"id":662,"date":"2024-07-28T06:33:21","date_gmt":"2024-07-28T06:33:21","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=662"},"modified":"2024-07-28T06:33:21","modified_gmt":"2024-07-28T06:33:21","slug":"wasiirka-jaamac-oo-mucaaradka-dowladda-si-adag-ula-hadlay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=662","title":{"rendered":"Wasiirka Jaamac oo mucaaradka dowladda si adag ula hadlay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 28 July 2024 {CBB}\u2013<\/strong>Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa\u2019id u qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan intaba.<\/p>\n<p>Jaamac ayaa jawaabtiisa ku sheegay in laga haboonyahay in la siyaasadeeyo arrimaha ciidamada, wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyeyaal guul wayn ka keenay dagaal adag ee lagula jiro kooxda AS.<\/p>\n<p>\u201cSaaxiibada siyaasadeed ee siyaasadda dowladda dhaleeceynaya waxyaabo kale ayaa u furan inaan ka wada-hadalno, laakiin lama aqbali karo in Daawada cadeyga ay ka dhigtaan ciidankeena\u201d, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu kusii daray \u201cSubax kasta ma rabno in askariga Soomaaliyeed ee jooga furinta laga mashquuliyo Facebook-ga iyo makarafoonada\u201d.<\/p>\n<p>Wasiirka gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay niyad jabinta ka daayaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, wuxuuna sheegay inay raadiyaan wax kale oo ay ku dhaliili karaan madaxda dalka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan soo jeedineynaa in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada wiilkaas furinta joogo ma yaqaano mucaarad iyo muxaafad\u201d ayuu mar kale yiri wasiirku.<\/p>\n<p>Sheekh Shariif wuxuu saaka shirkiisa jaraa\u2019id ku sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>\u201cHannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?\u201d ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo uu yiri \u201cWax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa\u201d.<\/p>\n<p>Si kastaba, hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah AS, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 28 July 2024 {CBB}\u2013Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa\u2019id u qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan intaba. Jaamac ayaa jawaabtiisa ku sheegay in laga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":663,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-662","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/662","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=662"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/662\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":664,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/662\/revisions\/664"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/663"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=662"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=662"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=662"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}