{"id":6716,"date":"2025-10-11T08:20:47","date_gmt":"2025-10-11T08:20:47","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6716"},"modified":"2025-10-11T08:20:47","modified_gmt":"2025-10-11T08:20:47","slug":"aqalka-sare-oo-dood-adag-ka-yeelanaya-xal-u-helida-khilaafka-dfs-iyo-dowlad-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6716","title":{"rendered":"Aqalka Sare oo dood adag ka yeelanaya xal u helida khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 11, Oct 2025 {CBB}<\/strong>Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee xoogan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.<\/p>\n<p>Dooddan ayaa ku saabsan kaalinta Aqalka Sare ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, iyadoo lagu saleeyay warbixin rasmi ah oo horyaalla golaha.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_9_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Senataro ka tirsan Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, ayaa marar badan dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin iyo qorshe lagu wiiqayo maamulada ay matalaan.<\/p>\n<p>Doodda maanta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka hanaqaada gobolka Gedo \u2014 arrin uu maamulka Jubbaland si adag uga soo horjeedo.<\/p>\n<p>Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa digniin ka bixiyay tallaabo kasta oo lagu dhisayo maamul ka dhan ah Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya wada shaqeynta federaalka.<\/p>\n<p>Khilaafka sii kordhaya ayaa la sheegay inuu wiiqay dadaallada dowladnimada iyo qorshayaasha horumarineed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 11, Oct 2025 {CBB}Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee xoogan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland. Dooddan ayaa ku saabsan kaalinta Aqalka Sare ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, iyadoo lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6717,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6716","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6716","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6716"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6716\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6718,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6716\/revisions\/6718"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6717"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}