{"id":6800,"date":"2025-10-14T08:06:03","date_gmt":"2025-10-14T08:06:03","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6800"},"modified":"2025-10-14T08:06:03","modified_gmt":"2025-10-14T08:06:03","slug":"soomaaliya-oo-ka-qayb-gashay-shirka-ururka-dhexdhexaadka-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6800","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, Oct 14, 2025 {CBB}<\/strong>Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement \u2013 NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda.<br \/>\n\u200e<br \/>\n\u200eShirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay goobjoog ka tahay Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.<br \/>\n\u200e<br \/>\n\u200eShirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka xubnaha ka ah ururkan ay u yeelan lahaayeen hal cod oo mideysan oo caalamka dhan laga maqlo ay yeeshaan iyo in la mideeyo mowqifyada siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.<br \/>\n\u200e<br \/>\n\u200eIntii uu shirku socday, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee lagu joojiyay duullaanka iyo tacaddiyada Israa\u2019iil ay ku hayso dhulka Falastiin, iyadoo la isku raacay in qaddiyadda Falastiin ay tahay mid joogto ah oo aan isbeddelayn loogana soo horjeedo dulmiga lagu hayo shacabka reer Falastiin.<br \/>\n\u200e<br \/>\n\u200eIntaas kadib shirka ayaa loo qaybiyay labo guddi oo kasoo tala bixinaya arrimaha siyaadadda iyo dhaqaalaha ee ururkan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, Oct 14, 2025 {CBB}Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement \u2013 NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. \u200e \u200eShirkan oo ah kii 19-aad ee Wasiirrada dalalka ku bahoobay Ururka Dhexdhexaadka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaya Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, halka ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6801,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6800","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6800","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6800"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6800\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6802,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6800\/revisions\/6802"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6801"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6800"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6800"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6800"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}