{"id":6803,"date":"2025-10-14T08:08:46","date_gmt":"2025-10-14T08:08:46","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6803"},"modified":"2025-10-14T08:08:46","modified_gmt":"2025-10-14T08:08:46","slug":"cirro-iyo-abiy-ahmed-oo-ku-kulmaya-addis-ababa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6803","title":{"rendered":"Cirro iyo Abiy Ahmed oo ku kulmaya Addis Ababa"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, Oct 14, 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha\u00a0 Somaliland,\u00a0 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.<\/p>\n<p>Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Itoobiya.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_11_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Booqashadan, oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro ku tago Itoobiya tan iyo doorashadiisii 13-kii November 2024, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda, amniga iyo ganacsiga ee labada dhinac.<\/p>\n<p>Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland iyo fursadaha iskaashi ee cusub.<\/p>\n<p>Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dib u xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, Oct 14, 2025 {CBB}Madaxweynaha\u00a0 Somaliland,\u00a0 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6804,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-6803","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6803","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6803"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6803\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6805,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6803\/revisions\/6805"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6804"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6803"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6803"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6803"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}