{"id":6960,"date":"2025-10-21T09:19:04","date_gmt":"2025-10-21T09:19:04","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6960"},"modified":"2025-10-21T09:19:04","modified_gmt":"2025-10-21T09:19:04","slug":"21-oktobar-afgembigii-sababay-burburka-iyo-dagaalka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=6960","title":{"rendered":"21-Oktobar; Afgembigii sababay Burburka iyo dagaalka Soomaaliya!"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 21 Act 2025 {CBB<\/strong>21-Oktober-1969, 6 Maalin kaddib dilkii Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke\u00a0 waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si farsameysan u abaabuleen afgenbiga.<\/p>\n<p>Ka hor dilka Ahun Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke waxa jiray doodo ka taagaan doorashadii June 1967dii, kala qaybsanaan u dhaxeysay mucaaradka iyo qabaa\u2019ilka qaarkood oo u arkayey in saami wadaagga siyaasadda ay ku dulman yihiin, waxa kale oo jiray xisbiyo waday olole ka dhan ah madaxweynaha iyo xisbigiisa SYL\u00a0 kuwaas oo sheegayey in lacag farabadan oo dowladdu leedahay loo adeegsaday si gaar ah, islamrakaana is xun loo maamulay dhaqaale gargaar ah oo ay dowladda Soomalaiya ka heshay dibadda.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_2\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;client=ca-pub-5485553666531996&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=1758663162&amp;adf=3169992222&amp;pi=t.aa~a.3850671431~i.3~rp.4&amp;w=950&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1761037828&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=3860133875&amp;ad_type=text_image&amp;format=950x280&amp;url=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F21-oktobar-afgembigii-sababay-burburka-iyo-dagaalka-soomaaliya-2%2F&amp;host=ca-host-pub-2644536267352236&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=200&amp;rw=950&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiLG51bGwsMCxudWxsLCI2NCIsW1siR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjE0MS4wLjczOTAuMTA4Il0sWyJOb3Q_QV9CcmFuZCIsIjguMC4wLjAiXSxbIkNocm9taXVtIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiXV0sMF0.&amp;abgtt=7&amp;dt=1761037827076&amp;bpp=1&amp;bdt=2254&amp;idt=1&amp;shv=r20251020&amp;mjsv=m202510150101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D03ad44fe6a0877f1%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DALNI_MZKTLWm4OMm-mv_RHLNU-e-k2Rsug&amp;gpic=UID%3D0000124d16929ee9%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DALNI_Ma2Hw0GQdNUHCe6BCk8jqtLfry3zw&amp;eo_id_str=ID%3Db2b0da3d9bd7e16f%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DAA-AfjaMTo4FE4r5G9Qh_wbiqYrD&amp;prev_fmts=0x0%2C1200x280&amp;nras=3&amp;correlator=1617273387051&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=720&amp;u_w=1280&amp;u_ah=680&amp;u_aw=1280&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1.25&amp;dmc=4&amp;adx=157&amp;ady=1584&amp;biw=1265&amp;bih=594&amp;scr_x=0&amp;scr_y=300&amp;eid=95366177%2C95373012%2C95374047&amp;oid=2&amp;psts=AOrYGsliNMLFWfFioySql2o3DXflpLl2C7BMc9KtN20v-CP5eSi7B-HevU-NxPNoC7IBI8OXuDxpxWYEwbww_fRgteS7ZVO9uqK4KGhS21iMqQ&amp;pvsid=6139752533568907&amp;tmod=63205894&amp;uas=3&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1280%2C0%2C1280%2C680%2C1280%2C594&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=1&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsbnVsbCwibGFiZWxfb25seV8zIiwxXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEQAxoGMS4wLjkw~CAEaBTYuMy43~CAEQBBoHMS4xNjQuMA..~CAEQBg..~CAA.&amp;ifi=3&amp;uci=a!3&amp;btvi=1&amp;fsb=1&amp;dtd=1238\" name=\"aswift_2\" width=\"950\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!3\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"CLjE2ZH5tJADFbFhkQUd-gczDA\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Arrin kale oo dhiirrigelisay kooxdii maleegtay afgenbiga iyo la taliyeyaashooda Ruushku waxa ay ahayd in Ahun Madaxweyne Cabdirashiid iyo Afhayeenkii golaha shacabku ay u baxeen booqashada gobolada Waqooyi (Somaliland), halka Ra\u2019iisul Wasaare Cigaalna uu ku jiray booqasho uu ku marayey Mareykanka.<\/p>\n<figure id=\"attachment_6961\" aria-describedby=\"caption-attachment-6961\" style=\"width: 271px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-medium wp-image-6961\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Muhammad_Haji_Ibrahim_Egal_1968-271x300.jpg\" alt=\"\" width=\"271\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Muhammad_Haji_Ibrahim_Egal_1968-271x300.jpg 271w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Muhammad_Haji_Ibrahim_Egal_1968-379x420.jpg 379w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/Muhammad_Haji_Ibrahim_Egal_1968.jpg 543w\" sizes=\"auto, (max-width: 271px) 100vw, 271px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-6961\" class=\"wp-caption-text\">Seated portrait shows a smiling Muhammad Haji Ibrahim Egal (1928 &#8211; 2002), the prime minister of Somalia, 1968. New York. He later served as president of the self-proclaimed independent state of Somaliland (in northern Somalia) from 1993 to his death in 2002. (Photo by Bachrach\/Getty Images)<\/figcaption><\/figure>\n<p>Ka maqnaanshaha madaxda ee Caasimaddu waxa ay hawo fiican siisay farsamayaqaankii Afgenbiga Ahun: SG. Salaad Gabayre Kediye, waxa uu sameeyey xiriir qarsoodi ah oo uu la yeeshay qaybaha ciidanka ee 26aad, 21aad, iyo 67aad, kuwaas oo uu u arkayey in ay muhiim u yihiin in dalku galo gacanta ciidanka,<\/p>\n<p>Habeeno ka hor 21-ka October; waxa soo baxay in uu jiro abaabul ay wadaan rag ka tirsan ciidanka XDS; balse si loo rumeeysto iyo si loo beeniyo ma haysan madaxdii xukuumadda Rayidku wax muujinaya oo ka badan in inqilaabkaasi marayo heerka fulinta, intii uu ku jiray heerarka fakarka iyo qabanqaabada waxa ay ragga diyaarinayey u dhaqmayeen si aan loogaba shakin karin in ay wadaan qorshe iyo abaabul afgenbi, Ahun: Sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre; waxa uu xilliga intiisa badan la qaadanayey madaxda xukuumaddii uu afgenbiga u maleegayey, taas oo hoos u dhigtay shakiga geli kara.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_3\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;client=ca-pub-5485553666531996&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=1758663162&amp;adf=316248937&amp;pi=t.aa~a.3850671431~i.11~rp.4&amp;w=950&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1761037848&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=3860133875&amp;ad_type=text_image&amp;format=950x280&amp;url=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F21-oktobar-afgembigii-sababay-burburka-iyo-dagaalka-soomaaliya-2%2F&amp;host=ca-host-pub-2644536267352236&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=200&amp;rw=950&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiLG51bGwsMCxudWxsLCI2NCIsW1siR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjE0MS4wLjczOTAuMTA4Il0sWyJOb3Q_QV9CcmFuZCIsIjguMC4wLjAiXSxbIkNocm9taXVtIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiXV0sMF0.&amp;abgtt=7&amp;dt=1761037827080&amp;bpp=1&amp;bdt=2258&amp;idt=1&amp;shv=r20251020&amp;mjsv=m202510150101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D03ad44fe6a0877f1%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DALNI_MZKTLWm4OMm-mv_RHLNU-e-k2Rsug&amp;gpic=UID%3D0000124d16929ee9%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DALNI_Ma2Hw0GQdNUHCe6BCk8jqtLfry3zw&amp;eo_id_str=ID%3Db2b0da3d9bd7e16f%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DAA-AfjaMTo4FE4r5G9Qh_wbiqYrD&amp;prev_fmts=0x0%2C1200x280%2C950x280&amp;nras=4&amp;correlator=1617273387051&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=720&amp;u_w=1280&amp;u_ah=680&amp;u_aw=1280&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1.25&amp;dmc=4&amp;adx=157&amp;ady=3030&amp;biw=1265&amp;bih=594&amp;scr_x=0&amp;scr_y=662&amp;eid=95366177%2C95373012%2C95374047&amp;oid=2&amp;psts=AOrYGsliNMLFWfFioySql2o3DXflpLl2C7BMc9KtN20v-CP5eSi7B-HevU-NxPNoC7IBI8OXuDxpxWYEwbww_fRgteS7ZVO9uqK4KGhS21iMqQ&amp;pvsid=6139752533568907&amp;tmod=63205894&amp;uas=1&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1280%2C0%2C1280%2C680%2C1280%2C594&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=1&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsbnVsbCwibGFiZWxfb25seV8zIiwxXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEQAxoGMS4wLjkw~CAEaBTYuMy43~CAEQBBoHMS4xNjQuMA..~CAEQBg..~CAA.&amp;ifi=4&amp;uci=a!4&amp;btvi=2&amp;fsb=1&amp;dtd=21730\" name=\"aswift_3\" width=\"950\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!4\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"CNf0upv5tJADFeVMkQUdqqwfBw\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Sida uu Maxamed Turunji ku qoray buuggiisa\u00a0<strong>Somalia Untold History<\/strong>\u00a0Ahun; Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa intii uu hayey xilka Ra\u2019iisul Wasaarnimo welwel iyo walbahaar ku hayey xogta uu ka helo dhinaca Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, dhowr bil ka hor afgenbiga xukuumaddii rayidka ahayd waxa uu Ra\u2019iisul Wasaare Cigaal wadey qorshe Taliyaha xoogga dalka loogu dirayo Raashiya si uu uga qaybgalo\u00a0 tababar iyo aqoon kororsi dhanka ciidanka ah, sidaas oo kale waxa jiray hindise xilka taliyaha ciidanka\u00a0 looga qaadayo SG; Maxamed Siyaad Barre, taasna waxa riixayey dhaqdhaqaaqa Jananka iyo saaxiibadii oo xukuumadda aanay waxba kala socon iyo hadal haynta<\/p>\n<p>suurtgalnimada in afgembi dhaco.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6962\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/sharmaarke-300x271.webp\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"271\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/sharmaarke-300x271.webp 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/sharmaarke.webp 320w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>Iyada oo doodahaasi taagan yihiin ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in uu dhintay madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke kadib markii uu toogtay mid kamid ah illaaladiisa, 15 October 1969-kii xilli ay ku beegnayda amintu\u00a0 12:45, maalin Tallaado ah ayaa laga maqlay Radio Muqdisho, \u201cin Khaa\u2019in kamid ah ciidanka Booliisku uu fuliyey dil toogasho ah oo sababay dhimashada Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke.\u201d<\/p>\n<p>Warqad uu qoray Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad, October 21, 1969; saacado ka hor afgembiga, kuna socotay Madaxweynihii 37aad ee Maraykanka Richard Milhous\u00a0 Nixon; ayaa muujisay in xitaa sirdoonka Mareykanku uusan xog iyo xaraf ka hayn dilka Ahun Madaxweyne Crashiid Cali Sharma\u2019arke, balse ay heleen in dilka madaxweyne Cabdirashiid uu sababi karo dagaal ballaaran oo dhexmara Qabaa\u2019ilka Soomaaliya, islamarkaana aanay fileyn in xubno kamid ah ciidanka XDS; oo diiddan waanwaan ay madaxweyne Cabdirashiid iyo Ra\u2019iisul Wasaare Cigaal la geli lahaayeen Itoobiya, iyaga oo ka duulaya in aanay kulmin curashada dowladda Soomaaliya iyo collaadda Itoobiya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6963\" src=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-300x169.jpg 300w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-768x432.jpg 768w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-1536x864.jpg 1536w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-2048x1152.jpg 2048w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-747x420.jpg 747w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-640x360.jpg 640w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-681x383.jpg 681w, https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/171129105351-01-henry-kissinger-restricted-1021x580.jpg 1021w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n<p>Waanwaanta ayaa ku qotantay in Itoobiya joojiso ololaha ka dhanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay markaas ka wadday fagaarayaasha ururada Caalamiga ah, iyada oo isku dayeysay in ay danaha dowladda Soomaaliya col uga abuurto golayaasha caalamiga ah iyada oo \u00a0adeegsanaysa dacaayad ah in Soomaalidu tahay dad qallafsan oo lagayaabo in ay baabi\u2019iyaan dhammaan danaha reer Galbeedka ee geeska Afrika.<\/p>\n<p>Henry Kissinger; Xaashida uu u diray madaxweyne Nixon ayaa waxa kale oo ku qornaa in askari booliiska Soomaaliya kamid ah oo iskii isu abaabulay uu fuliyey dilka madaxweynaha, Ra\u2019iisul Wasaare Cigaal ayaa ka soo duulay gobolka California, saacado yar kadib waxa dhacay afgenbigii, Ra\u2019iisul Wasaare Cigaalna waxa uu kamid ah madaxdii islamrkiiba xabsiga la geliyey.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_4\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;client=ca-pub-5485553666531996&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=1758663162&amp;adf=2443441706&amp;pi=t.aa~a.3850671431~i.25~rp.4&amp;w=950&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1761038025&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=3860133875&amp;ad_type=text_image&amp;format=950x280&amp;url=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F21-oktobar-afgembigii-sababay-burburka-iyo-dagaalka-soomaaliya-2%2F&amp;host=ca-host-pub-2644536267352236&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=200&amp;rw=950&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiLG51bGwsMCxudWxsLCI2NCIsW1siR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjE0MS4wLjczOTAuMTA4Il0sWyJOb3Q_QV9CcmFuZCIsIjguMC4wLjAiXSxbIkNocm9taXVtIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiXV0sMF0.&amp;abgtt=7&amp;dt=1761037827086&amp;bpp=2&amp;bdt=2263&amp;idt=2&amp;shv=r20251020&amp;mjsv=m202510150101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D03ad44fe6a0877f1%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DALNI_MZKTLWm4OMm-mv_RHLNU-e-k2Rsug&amp;gpic=UID%3D0000124d16929ee9%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DALNI_Ma2Hw0GQdNUHCe6BCk8jqtLfry3zw&amp;eo_id_str=ID%3Db2b0da3d9bd7e16f%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761037554%3AS%3DAA-AfjaMTo4FE4r5G9Qh_wbiqYrD&amp;prev_fmts=0x0%2C1200x280%2C950x280%2C950x280&amp;nras=5&amp;correlator=1617273387051&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=720&amp;u_w=1280&amp;u_ah=680&amp;u_aw=1280&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1.25&amp;dmc=4&amp;adx=157&amp;ady=5343&amp;biw=1265&amp;bih=594&amp;scr_x=0&amp;scr_y=2981&amp;eid=95366177%2C95373012%2C95374047&amp;oid=2&amp;psts=AOrYGsliNMLFWfFioySql2o3DXflpLl2C7BMc9KtN20v-CP5eSi7B-HevU-NxPNoC7IBI8OXuDxpxWYEwbww_fRgteS7ZVO9uqK4KGhS21iMqQ&amp;pvsid=6139752533568907&amp;tmod=63205894&amp;uas=1&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1280%2C0%2C1280%2C680%2C1280%2C594&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=1&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsbnVsbCwibGFiZWxfb25seV8zIiwxXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEQAxoGMS4wLjkw~CAEaBTYuMy43~CAEQBBoHMS4xNjQuMA..~CAEQBg..~CAA.&amp;ifi=5&amp;uci=a!5&amp;btvi=3&amp;fsb=1&amp;dtd=M\" name=\"aswift_4\" width=\"950\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!5\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"CNaIxO_5tJADFcNhkQUdaowbrw\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Kooxdii Afgenbiga fulisay wixii koowaad oo ay qabteen waxa ay ahayd in dastuurka buriyaan, Maxkamadda laalaan, xeerarka dalka oo dhanna ka dhigaan waxba kama jiraan, dalkana u bixiyaan magac cusub oo lagu qurxinayey wejiga xun ee xukun maroorsiga ah,\u00a0 halkii uu magacu ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayay u rogeen Jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa ay xabsiga dhigeen madaxda xukuumaddii rayid ahayd, waxa ayna baabi\u2019iyeen hannaankii xisbiyada badan, kaas oo Baarlamaankii 9; ee Soomaaliya uu dib u meelmariyey 46 sano kaddib.<\/p>\n<p>Bishii November waxa ay kooxdii inqilaabku ku mashquulsanayeen sidii ay u sameyn lahaayeen marmarsiinyo loo maray afgenbiga xukuumadda doorasho ku timid, waxa ay soosaareen dhowr xaashiyood oo maareynayey arrimaha qaanuunka iyo xiriirka dibadda.<\/p>\n<p><strong>Magacyada iyo Derajada Saraakiishii afganbisay Dawladdii Rayidka, habeen Talaado ah 21 October 1969-kii,<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li>Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (XDS)<\/li>\n<li>Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (XDS)<\/li>\n<li>Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel-Booliiska.<\/li>\n<li>Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (XDS)<\/li>\n<li>Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax -Booliiska.<\/li>\n<li>Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (XDS)<\/li>\n<li>Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (XDS)<\/li>\n<li>Col. Cali Mataan Xaashi (XDS) \u2013 Ciidanka Cirka)<\/li>\n<li>Col. Axmed Maxamuud Cadde -Booliiska.<\/li>\n<li>Col. Maxamuud Mire Muuse -Booliiska.<\/li>\n<li>Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (XDS)<\/li>\n<li>Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (XDS)<\/li>\n<li>Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) 14.<\/li>\n<li>Lt. Col. Maxamed Cali Shire (XDS)<\/li>\n<li>Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (XDS)\u00a0 \u2013 Ciidanka Badda)<\/li>\n<li>Lt. Col. Faarax Waceys Duule (XDS)\u00a0.<\/li>\n<li>Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (XDS)<\/li>\n<li>Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (XDS)<\/li>\n<li>Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (XDS)<\/li>\n<li>Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (XDS)<\/li>\n<li>Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (XDS)<\/li>\n<li>Capt. Abdi Warsame Isaaq<\/li>\n<li>Capt. Muhammad Omer Jees<\/li>\n<li>Capt. Osman Mohamed Jelle<\/li>\n<li>Capt. Muse Rabiile Good.<\/li>\n<\/ol>\n<p><strong>Dhacdooyinkii waaweynaa ee Dhacay Muddadii uu xilka hayey Jaalle Siyaad<\/strong><\/p>\n<p>6-dii sano ee ugu horreysay xukunkiisa xoogga ku dhisan waxa uu isku dayey in uu sameysto hab uu dalka ku xukumo, iyada oo laga shidaal qaadanayo aragtida Hanti-wadaagga (Socialism), sidaas awgeed waxa Kaadirkii Kacaanku howl badan geliyey sameynta xarumaha hannuuninta, kooxaha fanka, ururada shaqaalaha iyo in dowladdu yeelato hantida waaweyn.<\/p>\n<p>1975-tii ayuu qaaday mid kamid ah tallaabooyinka\u00a0 hirgelinta aragtida hantiwadaagga; waxa uu isku dayey in uu billaabo hirgelinta xeerka qoyska oo soo baxay 1970-kii, kaas oo jiiraya hannaanka dhaxalka, kaalimaha Xaaladaha shaqsiga ah ee diinta Islaamka, waxa uu jeediyey hadal gogoldhig u ahaa hirgelinta xeerkaas.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/ace\/ws\/640\/cpsprodpb\/12D73\/production\/_123017177_efa3e147-65f2-417e-9703-d13d62759472.jpg.webp\" alt=\"Maxaad ka taqaanaa shantii Golaha Sare ee dowladdii kacaanka? \" \/><\/p>\n<p>Rag isugu jira culimo iyo dhallinyaro ayaa ka hadlay masaajidda iyaga oo muujinaya sida ay u diidan yihiin qodobo kamid ah xeerka qoyska ee xukunkii kacaanku soosaaray, taasina waxa ay u horseedday in dhammaantood la laayo, sida ay muujinayaan dhowr qoraal oo arrintaas xiriir la leh madaxdii Kacaanku waxa ay diideen talo ay siiyeen dowladaha qaarkood, gaar ahaan kuwa Muslimka, taladaas oo ku saabsanayd in aan xukuumaddu marna qaadan tallaabo iyo go\u2019aan gaarsiisan dil oo ka dhan ah dadka sida nabadda ah u diiddan xeerka Qoyska, Taladaasii kuma dhicin dhego doonaya, jaalle Siyaad iyo Kaadirkiisii Kacaankuna waxa ay qaateen in la laayo Dadka ka hor yimid xeerkaas.<\/p>\n<p>go\u2019aankaas ayaa xukunkii Kacaanku fuliyey kaddib markii lawada qaarijiyey 10 kii qofood ee ka hor yimid xeerkii qoyskana Kahmiis-23-January-1975-tii ayaa Radio Muqdisho laliyey War aad murugo u geliyey dad badan kaas oo ahaa: in dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qofood ee maxkamadda badbaadadu ku xukuntay dilka ee ka soo horjeestay xeerka qoyska, dilkaasi waxa uu ka dhacay meel u dhow dugsiga tababarka Booliiska.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_5_host\"><iframe loading=\"lazy\" id=\"aswift_5\" tabindex=\"0\" title=\"Advertisement\" src=\"https:\/\/googleads.g.doubleclick.net\/pagead\/ads?gdpr=0&amp;client=ca-pub-5485553666531996&amp;output=html&amp;h=280&amp;adk=1758663162&amp;adf=2176762692&amp;pi=t.aa~a.3850671431~i.45~rp.4&amp;w=950&amp;fwrn=4&amp;fwrnh=100&amp;lmt=1761038164&amp;num_ads=1&amp;rafmt=1&amp;armr=3&amp;sem=mc&amp;pwprc=3860133875&amp;ad_type=text_image&amp;format=950x280&amp;url=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F21-oktobar-afgembigii-sababay-burburka-iyo-dagaalka-soomaaliya-2%2F&amp;host=ca-host-pub-2644536267352236&amp;fwr=0&amp;pra=3&amp;rh=200&amp;rw=950&amp;rpe=1&amp;resp_fmts=3&amp;wgl=1&amp;fa=27&amp;uach=WyJXaW5kb3dzIiwiMTAuMC4wIiwieDg2IiwiIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiLG51bGwsMCxudWxsLCI2NCIsW1siR29vZ2xlIENocm9tZSIsIjE0MS4wLjczOTAuMTA4Il0sWyJOb3Q_QV9CcmFuZCIsIjguMC4wLjAiXSxbIkNocm9taXVtIiwiMTQxLjAuNzM5MC4xMDgiXV0sMF0.&amp;abgtt=7&amp;dt=1761037827094&amp;bpp=1&amp;bdt=2270&amp;idt=1&amp;shv=r20251020&amp;mjsv=m202510150101&amp;ptt=9&amp;saldr=aa&amp;abxe=1&amp;cookie=ID%3D03ad44fe6a0877f1%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761038025%3AS%3DALNI_MZKTLWm4OMm-mv_RHLNU-e-k2Rsug&amp;gpic=UID%3D0000124d16929ee9%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761038025%3AS%3DALNI_Ma2Hw0GQdNUHCe6BCk8jqtLfry3zw&amp;eo_id_str=ID%3Db2b0da3d9bd7e16f%3AT%3D1759570118%3ART%3D1761038025%3AS%3DAA-AfjaMTo4FE4r5G9Qh_wbiqYrD&amp;prev_fmts=0x0%2C1200x280%2C950x280%2C950x280%2C950x280&amp;nras=6&amp;correlator=1617273387051&amp;frm=20&amp;pv=1&amp;u_tz=180&amp;u_his=1&amp;u_h=720&amp;u_w=1280&amp;u_ah=680&amp;u_aw=1280&amp;u_cd=24&amp;u_sd=1.25&amp;dmc=4&amp;adx=157&amp;ady=7644&amp;biw=1265&amp;bih=594&amp;scr_x=0&amp;scr_y=5276&amp;eid=95366177%2C95373012%2C95374047&amp;oid=2&amp;psts=AOrYGsliNMLFWfFioySql2o3DXflpLl2C7BMc9KtN20v-CP5eSi7B-HevU-NxPNoC7IBI8OXuDxpxWYEwbww_fRgteS7ZVO9uqK4KGhS21iMqQ&amp;pvsid=6139752533568907&amp;tmod=63205894&amp;uas=1&amp;nvt=1&amp;ref=https%3A%2F%2Fmustaqbalmedia.net%2Fso%2F&amp;fc=1408&amp;brdim=0%2C0%2C0%2C0%2C1280%2C0%2C1280%2C680%2C1280%2C594&amp;vis=1&amp;rsz=%7C%7Cs%7C&amp;abl=NS&amp;fu=128&amp;bc=31&amp;bz=1&amp;td=1&amp;tdf=2&amp;psd=W251bGwsbnVsbCwibGFiZWxfb25seV8zIiwxXQ..&amp;nt=1&amp;pgls=CAEQAxoGMS4wLjkw~CAEaBTYuMy43~CAEQBBoHMS4xNjQuMA..~CAEQBg..~CAA.&amp;ifi=6&amp;uci=a!6&amp;btvi=4&amp;fsb=1&amp;dtd=M\" name=\"aswift_5\" width=\"950\" height=\"0\" frameborder=\"0\" marginwidth=\"0\" marginheight=\"0\" scrolling=\"no\" sandbox=\"allow-forms allow-popups allow-popups-to-escape-sandbox allow-same-origin allow-scripts allow-top-navigation-by-user-activation\" data-google-container-id=\"a!6\" aria-label=\"Advertisement\" data-load-complete=\"true\" data-google-query-id=\"CMuekLL6tJADFXZMkQUd3LIzJw\" data-mce-fragment=\"1\"><\/iframe><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dadkaas uu kacaanku laayey oo isugu jiray culimo iyo xertoodii ayaa waxa lagu eedeeyey in ay ka hor yimaaddeen xeer Labarka 12-aad, Qodobka 54-aad ee soo baxay 10-September-1970, waxa ayna kala ahaayeen.<\/p>\n<ol>\n<li>Sheekh Axmed Sheekh Maxamed,<\/li>\n<li>Sheekh Muuse Yuusuf,<\/li>\n<li>Sheekh Axmed Iimaan,<\/li>\n<li>Cali Xasan Warsame,<\/li>\n<li>Xasan Ciise Iley,<\/li>\n<li>Maxamed Siyaad Xirsi,<\/li>\n<li>Cali Jaamac Xirsi,<\/li>\n<li>Aadan Cali Xirsi,<\/li>\n<li>Saleebaan Jaamac Maxamed iyo<\/li>\n<li>Yaasiin Cilmi Cawil<\/li>\n<\/ol>\n<p>Markii uu warkaas dhiillada leh gaaray adduunka oo dhan ayuu jeediyey hadal uu ku sheegay in dilka raggaasi uu u dhacay hab uu isku raacay golaha sare ee kacaanku, waxa uu sheegayaa in inta badan raggii ku jiray guddiga sare ee kacaanku ay diideen in lagu daayo cafis madaxweyne.<\/p>\n<p>Fanka iyo suugaanta oo ahaa shidaalka dhaqaajiya Kacaanka ayaa kamid ah waxyaabihii dhiirrigeliyey in Xukunkii kacaanku qaato tallaabooyin qallafsan, iyada oo markii dambana la soo saaray Suugaan ka dhan ah kacaanka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/pbs.twimg.com\/media\/GBU9CCvXUAAFLyH?format=jpg&amp;name=900x900\" alt=\"Image\" \/><\/p>\n<p>April; 1978; dii Inqilaabkii Dhicisoobay\u2019 waxaa hoggaaminayey<strong>\u00a0GS Maxamed Sheekh Cismaan<\/strong>\u00a0oo ku magac dheeraa \u2018Cirro\u2019 iyo\u00a0<strong>GS: Cabdullaahi Yuusuf Axmed;\u00a0<\/strong>\u00a0Markii inqilaabkii fashilmayna waxaa la toogtey 17; kamid ah rag lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen Afgenbigaas dhicisoobay, kaas oo xukunka looga tuuri lahaa dowladda Kacaanka oo qudheedu ku timid 5; farood iyo calaacal; saraakiil kale oo ka badbaadday dilka, ayaa xabsiga la dhigay.<\/p>\n<p><strong>17-ka sargaal\u00a0 ee loo toogtay eedda afgenbigaas waxa ay kala ahaayeen:-<\/strong><\/p>\n<ol>\n<li>Maxamed Sheekh Cismaan \u2018Cirro\u2019<\/li>\n<li>G\/le. Saciid Maxamed Jaamac<\/li>\n<li>G\/le. Saciid Jaamac Nuur<\/li>\n<li>Dhamme: C\/salaan Cilmi Warsame<\/li>\n<li>Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi<\/li>\n<li>Dhamme: Cabdullaahi Nuur<\/li>\n<li>Dhamme: Cabdullaahi Faarax<\/li>\n<li>Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf<\/li>\n<li>Dhamme: Bashiir Abshir Ciise<\/li>\n<li>S\/xarigle: Faarax Xalwo<\/li>\n<li>L\/xarigle: C\/Qaadir Geelle Cumar<\/li>\n<li>L\/xarigle: C\/Raxmaan Macallin Bashiir<\/li>\n<li>L\/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan<\/li>\n<li>L\/xarigle: Aadan Warsame yare<\/li>\n<li>L\/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle<\/li>\n<li>L\/xarigle: C\/Wahaab Axmed Xaashi<\/li>\n<li>Rayad: C\/Qaadir Warsame Yare.<\/li>\n<\/ol>\n<p>Waxa ka baxsaday oo kamid ahaa qorshaha afgenbiga GS: C\/laahi Yuusuf Axmed; oo u cararay Dhinaca Itoobiya, kaddibna waxa uu unkay Jabhaddii SSDF; sanadkii 1978-dii<\/p>\n<p>Tobankii sano ee u dambeysay waxa uu xukunkii kacaanku billaabay in uu taagdarreeyo, kaddib dagaalkii ciidanka XDS la galay taliskii Itoobiya iyo jabhadihii xukundiidka hubeysan ahaa oo xoogeystay.<\/p>\n<p>1980-1988 waddanku waxa uu galay deganaansho la\u2019aan siyaasadeed, Jabhado hubeysan iyo iskudhexyaaca siyaasadda gudaha ah, taasina waxa ay sababtay in 1987 dowladdu iskudaydo in ay mucaaradka iyo calawga siyaasadda ku xalliso xoog, waana sababta keenta in Muqdisho, gobolada Bartamaha, Bari iyo Waqooyi-galbeed ay ka dhacaan dagaallo lagu hoobtay iyada oo shacabka loo adeegsaday gaadiidka iyo diyaaradihii lagu keenay canshuurta gudaha iyo deeqaha adduunku siiyey Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sanadkii 1991 ayaa xukunkii kacaanku ayaa Burburay, madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa tegey gobolka Gedo, markii dambana waxa uu megengelyo siyaasadeed ka helay Nayjeeriya (Nigeria) magaalada Legos ayuu ku geeriyooday sanadkii 1995-kii.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 21 Act 2025 {CBB21-Oktober-1969, 6 Maalin kaddib dilkii Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke\u00a0 waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":6964,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[26,1],"tags":[],"class_list":["post-6960","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-qormooyinka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6960","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=6960"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6960\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6965,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/6960\/revisions\/6965"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/6964"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=6960"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=6960"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=6960"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}