{"id":7281,"date":"2025-11-05T11:12:04","date_gmt":"2025-11-05T11:12:04","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7281"},"modified":"2025-11-05T11:12:04","modified_gmt":"2025-11-05T11:12:04","slug":"maxkamadda-sare-ee-cqs-oo-liiska-ciidamada-ka-saartay-sarkaal-dil-ciqaab-isugu-daray-qof-shacab-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7281","title":{"rendered":"Maxkamadda Sare ee CQS oo liiska Ciidamada ka saartay Sarkaal Dil &#038; Ciqaab isugu daray qof shacab ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco\u00a0 5, Nov 2025 {CBB}<\/strong>Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay racfaanka uu soo qaatay Sharma\u2019arke Cabdulqaadir Cali oo katirsan ciidanka Booliiska kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax isla markaana uu ciqaab u gaystay kahor dilka.<\/p>\n<p>Sharma\u2019arke Cabdulqaadir Cali waa Dable Booliis Federaalka u diiwaangashan sidoo kale ah Labo xiddigle Hir-Shabeelle ahna Taliye ku xigeenka Dambi-baarista Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kiiskaan waxa uu salka ku hayay neef ari ah oo dilay sida la sheegay.<\/p>\n<p>Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa horay waxa ay Sharma\u2019arke ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumka uu nafta dhaafiyay, balse qareennadiisa oo aan ku qancin xukunka ayaa racfaan u qaatay Maxkamadda sare ee CQS.<\/p>\n<p>Dhagaysi doodda Xafiiska Xeer ilaalinta, Difaaca Qareennada iyo marqaatiyaal laga dhagaystay sida uu falkaas u dhacay kaddib waxa ay Maxkamadda sare Ciidamada Qalabka sida ka gaartay go\u2019aan ka duwan kii Maxkamadda Derajada 1aad.<\/p>\n<p>Janaraal Liibaan Cali Yaroow oo dhagaysiga kaddib go\u2019aanka Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ku dhawaaqay ayaa ugu horrayn baabi\u2019iyay dilka toogashada ah iyada oo Maxkamaddu xukun kale ku ridday kaas oo ah.<\/p>\n<p>In eedeysane Sharma\u2019arke Cabdulqaadir Cali laga saaray Liiska Ciidanka, bixinta Mag adag &amp; Xabsi ciidan oo 5 shano ah oo xukunka Dilkii dhacay 14kii Agoosto sanadkaan 2025 iyo ciqaabtii loo gaystay Marxuumka sida maxkamaddu sheegtay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco\u00a0 5, Nov 2025 {CBB}Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay racfaanka uu soo qaatay Sharma\u2019arke Cabdulqaadir Cali oo katirsan ciidanka Booliiska kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax isla markaana uu ciqaab u gaystay kahor dilka. Sharma\u2019arke Cabdulqaadir Cali waa Dable Booliis Federaalka u diiwaangashan sidoo kale ah Labo xiddigle Hir-Shabeelle ahna Taliye [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7282,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7281","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7281","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7281"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7281\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7283,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7281\/revisions\/7283"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7282"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7281"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7281"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7281"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}