{"id":7343,"date":"2025-11-11T07:06:53","date_gmt":"2025-11-11T07:06:53","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7343"},"modified":"2025-11-11T07:06:53","modified_gmt":"2025-11-11T07:06:53","slug":"dowlada-turkey-oo-diyaarisay-2000-askari-oo-ku-wajahan-gaza","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7343","title":{"rendered":"Dowlada Turkey oo diyaarisay 2,000 askari oo ku wajahan Gaza"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 11, Nov 2025 {CBB}<\/strong>Dowladda Turkiga ayaa dhameystireysa qorshayaal ay boqollaal askari ku geynayso Marinka Gaza, kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ah, sida ay werisay shabakadda Middle East Eye<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay socdaan wadahadallo arrintan ku saabsan oo ay Ankara la leedahay Maraykanka iyo Israa\u2019iil<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilo wareedyo arrinta u dhuun daloola ayaa Middle East Eye u sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay guud ahaan dalka laga ururinayay guuto nabad ilaalin ah oo ka kooban ugu yaraan 2,000 oo askari<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ciidankan, oo ku biiri doona ciidanka caalamiga ah ee xasilinta Gaza ee ay wehliyaan dalal kale, ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan askar ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka, kuwaasoo leh khibrad hore oo nabad ilaalin iyo ka hawlgal goobo colaadeed<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Qorshaha nabadda Gaza, oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa dhigaya in Turkiga uu noqdo mid ka mid ah waddamada hoggaaminaya ee la wareegaya qaybo ballaaran oo ka tirsan dhulka Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza oo lagala wareegayo Xamaas<\/p>\n<p>Balse dowladda Israa\u2019iil ayaa kasoo horjeeda tallaabadaas, Washington ayaan weli go\u2019aan ka gaarin, qaraar Qaramada Midoobay ahna weli lama ansixin<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cCag Turki ah halkan ma soo dhigi doonto,\u201d ayay Shosh Bedrosian, oo ah afhayeenka dowladda Israa\u2019iil, u sheegtay saxafiyiinta Axaddii. Ilo wareedyo Turki ah ayaa sheegaya in ka caga jiidka Israa\u2019iil uu ka imaanayo iyadoo ka biyo diidan inay aqbasho xulufo adag oo NATO ka tirsan oo ka hawlgala marinka, kana hoos shaqeeya waajibaad ay Qaramada Midoobay bixiso {taasoo aan weli la helin}<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Saraakiisha amniga ee Turkiga ayaa ku doodaya in ka qaybgalka Ankara ay gacan ka geysan doonto xasilinta Gaza iyo ka hortagga xiisado kale oo mustaqbalka dhaca. \u201cJoogitaanka Turkiga wuxuu hubin lahaa isku dheelitirnaan iyo kalsooni,\u201d ayuu yiri sarkaal kale oo Turki ah<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">Go\u2019aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan baaxadda iyo waajibaadka ciidanka ayaa la filayaa in la gaaro kadib wadatashiyo dhex mara Qaramada Midoobay iyo daneeyayaasha gobolka toddobaadyada soo socda<\/span><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p class=\"p1\"><span class=\"s1\">\u201cIsraa\u2019iil waxay rabtaa in ciidanka xasilinta Gaza loo qaabeeyo si ay Tel Aviv u wiiqi karto saameynteeda ayna u burin karto dadaallada nabadda markii ay doonto,\u201d ilo wareed kale oo Turki ah oo arrintan la socda ayaa sidaas u sheegay\u00a0<i>Middle East Eye<\/i>.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 11, Nov 2025 {CBB}Dowladda Turkiga ayaa dhameystireysa qorshayaal ay boqollaal askari ku geynayso Marinka Gaza, kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ah, sida ay werisay shabakadda Middle East Eye &nbsp; Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay socdaan wadahadallo arrintan ku saabsan oo ay Ankara la leedahay Maraykanka iyo Israa\u2019iil &nbsp; [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7344,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-7343","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7343","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7343"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7343\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7345,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7343\/revisions\/7345"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7344"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7343"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7343"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7343"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}