{"id":7463,"date":"2025-11-17T10:12:28","date_gmt":"2025-11-17T10:12:28","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7463"},"modified":"2025-11-17T10:12:28","modified_gmt":"2025-11-17T10:12:28","slug":"dfs-oo-sheegtay-in-howlgal-ka-dhacay-gobolka-bakool-lagu-dilay-xubno-katirsan-as","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7463","title":{"rendered":"DFS oo sheegtay in howlgal ka dhacay Gobolka Bakool lagu dilay xubno katirsan AS"},"content":{"rendered":"<p><strong>isniin, 17, Nov 2025 {CBB}<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgal ka dhacay Deegaanka Moora-gaabey oo 37 Kiilomitir u jira Magaalada Xudur xarunta Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.<\/p>\n<p>Dowladdu waxa ay sheegtay in ay si xeeladeysan loo abaabulay howlgalkaan isla markaana lagu dilay saddex kamid ah \u2018AS\u2019 waxaana lagu dhaawacay in ka badan toban kale sida lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9aad ee qaybta 60aad ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay agab ciidan oo ay ku jiraan hub iyo saanad ay isticmaalayeen xubnaha \u2018AS\u2019 katirsan ee dhimashada &amp; dhaawaca loo gaystay sida hadalka loo dhigay.<\/p>\n<p>Taliyaha qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Sare Maxamed Yariis Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan uu qayb ka ahaa howlgallo abaabulan oo ka dhan ah \u2018AS\u2019 kana socda Koofur Galbeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>isniin, 17, Nov 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgal ka dhacay Deegaanka Moora-gaabey oo 37 Kiilomitir u jira Magaalada Xudur xarunta Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed. Dowladdu waxa ay sheegtay in ay si xeeladeysan loo abaabulay howlgalkaan isla markaana lagu dilay saddex kamid ah \u2018AS\u2019 waxaana lagu dhaawacay in ka badan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7464,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7463","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7463","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7463"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7463\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7465,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7463\/revisions\/7465"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7464"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7463"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7463"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7463"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}