{"id":7585,"date":"2025-11-23T10:40:48","date_gmt":"2025-11-23T10:40:48","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7585"},"modified":"2025-11-24T10:45:38","modified_gmt":"2025-11-24T10:45:38","slug":"soomaaliya-oo-sheegtay-in-ay-diyaar-u-tahay-la-wadaagista-somaliland-dakhliga-kasoo-baxa-nidaamka-e-visa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7585","title":{"rendered":"Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaar u tahay la wadaagista Somaliland dakhliga kasoo baxa Nidaamka e-Visa"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 23, Nov 2025 {CBB}<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wadaagista dakhliga ka soo xarooda nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa) ee ay hirgelisay bishii Sebtembar 2025.<\/p>\n<p>Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Cumar \u201cCali Balcad\u201d oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in dowladda ay ka jawaabtay cabashooyinka Somaliland ee la xiriira nidaamka cusub, iyada oo oggolaatay in laga wada hadlo qaybinta dakhliga<\/p>\n<p>Cali Balcad ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyaddu ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato habraaca wadaagista dakhliga, isla markaana ay u furnaan doonto dood kasta oo ku saabsan qaabka saxda ah ee loo maareynayo lacagaha kasoo xarooda.<\/p>\n<p>\u201cDowladdu diyaar ayey u tahay in laga wada hadlo dakhliga e-Visa, waxaana sidoo kale diyaar ah Wasaaradda Maaliyaddu in la wadaago,\u201d ayuu yiri Cali Balcad.<\/p>\n<p>Nidaamka e-Visa, oo uu qofkii dalbada bixiyo $64, ayaa dowladda Federaalka u aragta mid lagu mideynayo habka dal-ku-galka, iyadoo lacagahaas Dowladdu in ay ku dhacaan khasnadda qaranka.<\/p>\n<p>Somaliland horay ayay uga hor timid hirgelinta nidaamkan, taas oo sababtay in dadka u socdaalaya inay laba jeer lacag bixiyaan \u2013 mid Muqdisho ugu dhacda dal-ku-galka elektarooniga ah, iyo mid kale oo laga qaado marka ay ka degayaan garoomada Somaliland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 23, Nov 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wadaagista dakhliga ka soo xarooda nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa) ee ay hirgelisay bishii Sebtembar 2025. Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Cumar \u201cCali Balcad\u201d oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in dowladda ay ka jawaabtay cabashooyinka Somaliland ee la xiriira nidaamka cusub, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7586,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7585","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7585","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7585"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7585\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7587,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7585\/revisions\/7587"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7586"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7585"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7585"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7585"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}