{"id":7591,"date":"2025-11-24T10:49:03","date_gmt":"2025-11-24T10:49:03","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7591"},"modified":"2025-11-24T10:49:03","modified_gmt":"2025-11-24T10:49:03","slug":"banaanbax-ka-dhan-ah-madaxweyne-trump-oo-lagu-qabtay-minnesota","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7591","title":{"rendered":"Banaanbax ka dhan ah Madaxweyne Trump oo lagu qabtay Minnesota"},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 24, Nov 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ayaa Magaalada Minneapolis ku dhigay dibadbax ka dhan ah go\u2019aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu ku musaafurinayo Soomaali si sharci darro ah ku joogta Gobolkaas<\/p>\n<p>Diadbaxayaasha ayaa dhaliilay go\u2019aankaan waxaana ay dalbadeen in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dib uga laabto maadaama arrintaan ay dhibaato ku tahay dad badna oo ku nool Minnesota.<\/p>\n<p>Waxa ay wateen boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah go\u2019aanka culus ee Madaxweynaha Maraykanka, waxay dalbadeen in Hay\u2019adaha kala ee dastuuriga ah ay soo farageliyaan arrintaan kahor inta aysan dhaqangelin.<\/p>\n<p>Sidoo kale dad ajaanib ah balse diidan in la tarxiilo Soomaalida ayaa ka qaybgalay, waxa ay dareenkooda ku cabireen sida ay u diidan yihiin dhaqangalka go\u2019aankaan oo dhibaato ku ah dad hadda ku nool Maraykanka.<\/p>\n<p>Donald Trump ayaa dhowaan si cad u sheegay in uu meesha ka saaray go\u2019aankii kumeel-gaarka ahaa ee kahor istaagayay tarxiilka Soomaalida sharci darrada ku joogta Gobolka Minnesota isaga oo aflagaado iyo ereyo culus isugu daray, waxaana uu sheegay in xatooyadu badatay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 24, Nov 2025 {CBB}\u00a0Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ayaa Magaalada Minneapolis ku dhigay dibadbax ka dhan ah go\u2019aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu ku musaafurinayo Soomaali si sharci darro ah ku joogta Gobolkaas Diadbaxayaasha ayaa dhaliilay go\u2019aankaan waxaana ay dalbadeen in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dib uga laabto maadaama [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7592,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-7591","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7591","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7591"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7591\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7593,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7591\/revisions\/7593"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7592"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7591"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7591"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7591"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}