{"id":7669,"date":"2025-11-28T08:17:20","date_gmt":"2025-11-28T08:17:20","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7669"},"modified":"2025-11-29T08:19:07","modified_gmt":"2025-11-29T08:19:07","slug":"rw-xamsa-oo-booqday-dekadda-caalamiga-ah-ee-tanger-med-ee-boqortooyada-morooko","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7669","title":{"rendered":"RW Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger Med ee Boqortooyada Morooko."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 28, Nov\u00a0 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.<\/p>\n<p>Dekadda Tanger Med ayaa si istiraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.<\/p>\n<p>Intii uu kusugnaa Dekadda, Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mehdi Tazi Riffi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga, iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.<\/p>\n<p>Wadahadalkan ayaa imanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, xukuumadda Dan Qarana ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna uu qorshaha ku jiro.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 28, Nov\u00a0 2025 {CBB}\u00a0Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka. Dekadda Tanger Med ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7670,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7669","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7669","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7669"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7669\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7671,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7669\/revisions\/7671"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7670"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7669"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7669"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7669"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}