{"id":7709,"date":"2025-12-01T07:23:36","date_gmt":"2025-12-01T07:23:36","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7709"},"modified":"2025-12-01T07:23:36","modified_gmt":"2025-12-01T07:23:36","slug":"raysal-wasaaraha-israaiil-oo-la-maxkamadeeynayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7709","title":{"rendered":"Raysal wasaaraha Israa\u2019iil oo La Maxkamadeeynayo."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin, 1 Dec, 2025 {CBB}\u00a0<\/strong> Raysal wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday madaxweynaha dalkaas, Isaac Herzog, inuu cafis uga fidiyo kiisaska musuqmaasuqa ee uu la tacaalayay.<\/p>\n<p>Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Herzog uu ururin doono fikradaha saraakiisha caddaaladda ka hor inta uusan tixgelin codsiga \u201ckaas oo xambaarsan cawaaqib xumo weyn\u201d.<\/p>\n<p>Netanyahu ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay wajahayay maxkamad ku saabsan eedeymaha laaluushka, khiyaanada iyo ku xadgudubka aamiga oo ku saabsan saddex kiis oo kala duwan. Wuxuu beeninayaa inuu wax khalad ah sameeyay.<\/p>\n<p>Farriin muuqaal ah ayuu ku sheegay inuu doorbidi lahaa inuu arko geeddi-socodka oo dhammaanaya, laakiin danaha qaranka ayaa \u201cwax kale dalbaday\u201d.<\/p>\n<p>Mucaaradka Israa\u2019iil ayaa sheegaya inuu qirto dambiga ka hor inta uusan raadsan cafis.<\/p>\n<p>Ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan goorta madaxweynuhu gaari karo go\u2019aan.<\/p>\n<p>Sannadkii 2020, Benjamin Netanyahu waxa uu noqday ra\u2019iisul-wasaarihii ugu horreeyay ee xil haya oo Israa\u2019iili ah oo maxkamad la soo taago:<\/p>\n<p>Dacwadda kowaad, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeeyeen in uu haddiyado \u2013 ugu horrayn sigaar iyo dhalooyin khamrada champagne ah \u2013 ka helay ganacsato awood leh, isaga oo beddel uga dhigayay in uu danahooda ka shaqeeyo.<br \/>\nDacwad labaad ayaa lagu soo oogay in uu ballan qaaday in uu gacan ka geysanayo hagaajinta qaybinta wargeys Israa\u2019iili ah si uu beddel uga helo warar wanaagsan oo isaga ku saabsan.<br \/>\nDacwadda saddexaadna, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeeyeen in uu horumariyay go\u2019aanno sharciyeed oo u janjeera dhinaca saamileyda ugu sarreysa ee shirkad isgaarsiineed oo Israa\u2019iili ah, taas beddelkeedana uu ka helay in website gudaha ah uu si wanaagsan u tebiyo wararka isaga ku saabsan.<br \/>\nNetanyahu wuu diiday dhammaan eedeymaha, waxaanu ku tilmaamay maxkamadeynta mid ay \u201csoo abaabuleen\u201d siyaasiyiinta ka soo horjeeda.<\/p>\n<p>Farriin muuqaal ah oo uu soo duubay Axaddii, isaga oo muujinaya in uusan cabsanayn, waxa uu ku sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay iska burburayaan, balse hannaanka maxkamadeyntu uu Israa\u2019iil kala qoqobayo.<\/p>\n<p>\u201cWaan hubaa, sida dad badan oo kale oo dalka ku nool ay u hubaan, in joojin degdeg ah oo lagu sameeyo dacwadda ay gacan weyn ka geysan doonto dejinta xaaladda kacsan iyo horumarinta dib-u-heshiisiin ballaaran \u2013 taas oo uu dalkeennu si weyn ugu baahan yahay,\u201d ayuu ra\u2019iisul-wasaaruhu ku daray.<\/p>\n<p>Netanyahu waxa uu sheegay in laga rabo in uu maxkamadda hortago saddex jeer toddobaadkii, isaga oo taas ku tilmaamay \u201cdalab aan macquul ahayn\u201d.<\/p>\n<p>Waxa uu ku adkaystay in cafis loo fidiyo uu ka caawin doono Israa\u2019iil in ay iska difaacdo khataraha, ugana faa\u2019iidaysato fursadaha iyada oo kor loogu qaadayo \u201cmidnimada qaranka\u201d.<\/p>\n<p>Siyaasiyiinta ka soo horjeeda ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu isku dayayo in uu isku xiro danihiisa gaarka ah iyo kuwa dawladda.<\/p>\n<p>Hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid waxa uu sheegay in aanu jiri karin wax cafis ah haddii aan la qiran dembiga, aan la muujin qoomamo, isla markaana Netanyahu aanu isla markiiba ka fariisan saaxada siyaasadda.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\">\n<p>Yair Golan, oo ah siyaasi bidix-dhexe ah iyo ku-xigeenkii hore ee taliyaha ciidamada Israa\u2019iil, ayaa sheegay in \u201ckuwa dembiga leh oo keliya\u201d ay doonaan cafis.<\/p>\n<p>Sida uu dhigayo Sharciga Aasaasiga ah ee Israa\u2019iil, madaxweynaha \u201cwaxaa u bannaan awood uu ku cafiyo dembiilayaasha, kuna yareeyo ama ku beddelo [wax ka beddelo] xukunka lagu riday\u201d.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Sare ee Caddaaladda Israa\u2019iil ayaa horay u xukuntay in madaxweynuhu uu cafis u fidin karo qof aan weli la xukumin haddii ay tahay mid dan guud ah ama haddii ay jiraan duruufo shakhsi ah oo aad u daran.<\/p>\n<p>Xisbiga midigta fog ee Netanyahu ee Likud iyo taageerayaashiisa ayaa mar walba taageersanaa in hoggaamiyahooda la siiyo cafis. Laakiin dad badan oo Israa\u2019a\u2019iil ah, gaar ahaan kuwa dhanka bidixda ah, waxay arrintaas u arkayeen shaki kale oo ka fogeynaya dareenka ah inuu dalka yahay mid leh dimuqraadiyad adag oo leh nidaam sharci oo xooggan.<\/p>\n<p>Walaaca dadweynaha ee ku saabsan qorshayaasha dib-u-habaynta garsoorka ee dawladda ayaa sababay in boqollaal kun oo qof ay usoo baxaan waddooyinka iyagoo dhigayay mudaharaadyo socday bilo badan, ka hor weerarradii uu hoggaaminayay Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kuwaas oo kiciyay dagaalkii ugu dambeeyay ee Qasa.<\/p>\n<p>Dacwad gaar ah oo kale, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) ayaa sannadkii hore soo saartay amar soo xirid oo ka dhan ah Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israa\u2019iil, Yoav Gallant, oo ku saabsan dembiyada dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah aadanaha ee la sheegay in lagu kacay intii uu socday dagaalka u dhexeeyay Israa\u2019iil iyo Xamaas. Netanyahu ayaa tallaabadan ku cambaareeyay \u201cmid ka dhan ah Yuhuudda\u201d.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin, 1 Dec, 2025 {CBB}\u00a0 Raysal wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday madaxweynaha dalkaas, Isaac Herzog, inuu cafis uga fidiyo kiisaska musuqmaasuqa ee uu la tacaalayay. Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Herzog uu ururin doono fikradaha saraakiisha caddaaladda ka hor inta uusan tixgelin codsiga \u201ckaas oo xambaarsan cawaaqib xumo weyn\u201d. Netanyahu ayaa shantii sano [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7710,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-7709","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7709","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7709"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7709\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7711,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7709\/revisions\/7711"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7710"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7709"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7709"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7709"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}