{"id":7787,"date":"2025-12-04T07:59:02","date_gmt":"2025-12-04T07:59:02","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7787"},"modified":"2025-12-06T08:01:37","modified_gmt":"2025-12-06T08:01:37","slug":"canshuur-aruuriyaasha-itoobiya-oo-dharka-kaamirooyin-loogu-xirayo-si-loola-dagaallamo-musuqa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7787","title":{"rendered":"Canshuur aruuriyaasha itoobiya oo dharka Kaamirooyin loogu xirayo si loola dagaallamo musuqa."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis, 4 Dec 2025 {CBB}<\/strong>Maareeyaha Xafiiska Dakhliga Dawladda Hoose ee Addis Ababa, Mr. Biniam Michiru, ayaa shir jaraa\u2019id ku faahfaahiyay kaamirado lagu rakibay dharka shaqaalaha canshuur aruuriyaasha ah iyadoo la raacayo habraacyada xafiisku u dejiyay si loo xoojiyo ururinta dakhliga si cadaalad ah, cabashooyinka jirana loo xalliyo, sidoo kalena loo waafajiyo fulinta howlaha dib-u-habaynta hay\u2019adda.<\/p>\n<p>Xafiisku wuxuu ku sheegay bayaan uu soo saaray in ay suurtagal tahay in si hufan oo cadaalad leh loo ururiyo dakhliga horumarinta magaalada, isla markaana loo xalliyo cabashooyinka ay canshuur-bixiyayaashu ka keenaan go\u2019aannada canshuurta, iyada oo la hirgelinayo 24 habraac oo gaar ah.<\/p>\n<p>Waxaa la rumeysan yahay in tallaabadan ay mas\u2019uuliyiinta ka caawin karto ciribtirka musuqmaasuqa, xatooyada iyo wax isdaba-marinta, liyadoo arrintaan lagu hirgeliyay iskaashi lala yeeshay shirkadda ENSA.<\/p>\n<p>Kamaraduhu waxay si toos ah u duubayaan muuqaalka, waxeyna u dirayaan xarunta dhexe iyo laamaha kale ee xafiiska.<\/p>\n<p>Waxa kale oo lagu sheegay in canshuur-bixiyayaal badan ay hore u soo sheegeen in si aan cadaalad ahayn loo ganaaxay, halka qaar ka mid ah kormeerayaasha lagu eedeeyay inay laaluush qaataan.<\/p>\n<p>Xafiisku wuxuu sheegay inuu baaritaan ku sameeyay cabashooyinkan, isagoo adeegsanaya habab lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka iyo in nidaamku noqdo mid hufan oo cad.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis, 4 Dec 2025 {CBB}Maareeyaha Xafiiska Dakhliga Dawladda Hoose ee Addis Ababa, Mr. Biniam Michiru, ayaa shir jaraa\u2019id ku faahfaahiyay kaamirado lagu rakibay dharka shaqaalaha canshuur aruuriyaasha ah iyadoo la raacayo habraacyada xafiisku u dejiyay si loo xoojiyo ururinta dakhliga si cadaalad ah, cabashooyinka jirana loo xalliyo, sidoo kalena loo waafajiyo fulinta howlaha dib-u-habaynta hay\u2019adda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7788,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7787","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7787","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7787"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7787\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7789,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7787\/revisions\/7789"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7788"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7787"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7787"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7787"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}