{"id":7898,"date":"2025-12-09T08:30:56","date_gmt":"2025-12-09T08:30:56","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7898"},"modified":"2025-12-09T08:30:56","modified_gmt":"2025-12-09T08:30:56","slug":"wasiir-roobow-tirakoob-ayaa-ku-socda-dugsiyada-quraanka-lagu-barto","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7898","title":{"rendered":"Wasiir Roobow \u201cTirakoob ayaa ku socda Dugsiyada Qur\u2019aanka lagu barto\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado, 9 Dec 2025 {CBB}<\/strong>Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin tirakoobka Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka lagu dhigo oo intooda badan ku yaalla goobo aan munaasab ku ahayn.<\/p>\n<p>Roobow ayaa sheegay in ujeedka tirakoobka uu yahay hubinta duruufaha si miisaaniyadda Wasaaradda oo mas\u2019uul ka ah loogu daro waxna looga qabto cabashooyinka laga muujinayo meelaha ay ku yaallaan sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p><strong><em>\u201cWasaaraddu waxa ay waddaa tirakoobka Dugsiyada Qur\u2019aanka oo runtii xitaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu shirkii culimada ka sheegay in ay ku yaallaan goobo aan munaasab ahayn, waxa la hubin doonnaa Macallimiinta &amp; xaalkooda sida uu iska yahay, Miisaaniyad hadda kahor lama helin, wixii dowladda tabarteeda ah ayay ka gaysan doontaa\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Awqaafta &amp; Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.<\/p>\n<p>Wasiir Abuu Mansuur ayaa waalidiinta ku eedeeyay in ay kala darajeynayaan Ardayda dhigata Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka iyo Iskuullada marka laga eego dhinaca labista iyo hubinta dharkooda, si Ardaygu loo tusiyo qiimaha uu dugsigu u leeyahay sida uu yiri.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cGuud ahaan Dadkeenna ayaa Dugsiyada Qur\u2019aanka sidaas yeellay, tusaale marka uu Ardayda Dugsigu aadayo in la dhaho Shaatigaan qad ayaa kaaga soo hallaabayso ee iska dhig, kan Iskuulka aadanaya dharka loo feereeyo, waxa aan rabnaa in Ilmaha lagu beero qur\u2019aanka iyo qiimihiisa loona soo labisto\u201d<\/em><\/strong>\u00a0ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Roobow.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado, 9 Dec 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin tirakoobka Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka lagu dhigo oo intooda badan ku yaalla goobo aan munaasab ku ahayn. Roobow ayaa sheegay in ujeedka tirakoobka uu yahay hubinta duruufaha si miisaaniyadda Wasaaradda oo mas\u2019uul [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7899,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7898","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7898","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7898"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7898\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7900,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7898\/revisions\/7900"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7899"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7898"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7898"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7898"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}