{"id":7924,"date":"2025-12-10T07:28:16","date_gmt":"2025-12-10T07:28:16","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7924"},"modified":"2025-12-10T07:28:16","modified_gmt":"2025-12-10T07:28:16","slug":"dowlada-soomaaliya-oo-bilaawday-tirakoobka-dugsiyada-quraanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7924","title":{"rendered":"Dowlada Soomaaliya oo Bilaawday Tirakoobka Dugsiyada Qur\u2019aanka."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco 10, Dec 2025 {CBB}<\/strong>Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in wasaaraddu bilaawday tirakoob lagu samaynayo dugsiyada Qur\u2019aanka, kuwaas oo intooda badan ku shaqeeya xaalado aan ku habboonayn waxbarashada carruurta.<\/p>\n<p>Roobow ayaa sheegay in ujeeddada tirakoobkani tahay in lagu qiimeeyo xaaladda iyo baahiyaha dugsiyada Qur\u2019aanka, si wasaaraddu u qorshayso miisaaniyad loo qoondeeyo, lana daboolo cabashooyinka muddooyinkan soo baxayay ee ku saabsan goobaha ay ku yaalliin dugsiyadan.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cWasaaraddu waxay wadaysaa tirakoobka dugsiyada Qur\u2019aanka, xataa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulankii culimada ka sheegay in kuwa badani ku yaalliin meelo aan ku habboonayn, Waxaan hubin doonaa macallimiinta iyo duruufahooda,\u201d ayuu yiri Wasiir Roobow.<\/p>\n<p>\u201cHore miisaaniyad looma qoondeyn, laakiin dowladda wixii ay awoodo ayay kaga qayb qaadan doontaa horumarintooda.\u201d ayuu warkiisa sii raaciyey.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka Awqaafta ayaa si adag u dhaliilay waalidiinta qaarkood oo uu sheegay in ay sameeyaan takoor u dhexeeya carruurta dhigata dugsiyada Qur\u2019aanka iyo kuwa dhigta iskuulada caadiga ah, gaar ahaan dhanka labiska iyo daryeelka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u201cDadka qaarkood sidaan ayay u dhaqan yihiin, Tusaale ahaan, cunuga Qur\u2019aanka dhigta waxaa lagu diraa dhar duug ah oo guriga yaal, halka cunuga iskuulka dhigta loo tolaayo dhar wanaagsan oo la feereeyo, Waxaan ka rabnaa waalidiinta in carruurtu ku qiimeeyaan waxbarashada Qur\u2019aanka oo loo labbiso si sharaf leh,\u201d ayuu ku daray.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco 10, Dec 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in wasaaraddu bilaawday tirakoob lagu samaynayo dugsiyada Qur\u2019aanka, kuwaas oo intooda badan ku shaqeeya xaalado aan ku habboonayn waxbarashada carruurta. Roobow ayaa sheegay in ujeeddada tirakoobkani tahay in lagu qiimeeyo xaaladda iyo baahiyaha dugsiyada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7925,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-7924","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7924","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7924"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7924\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7926,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7924\/revisions\/7926"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7925"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7924"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7924"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7924"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}