{"id":7978,"date":"2025-12-13T08:50:03","date_gmt":"2025-12-13T08:50:03","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7978"},"modified":"2025-12-13T08:50:03","modified_gmt":"2025-12-13T08:50:03","slug":"turkiga-oo-ku-dhawaaqay-dhismaha-saldhiga-laga-diri-doono-dayax-gacmeedyada-ee-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=7978","title":{"rendered":"Turkiga oo Ku dhawaaqay dhismaha saldhiga laga diri doono Dayax gacmeedyada ee Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabti 13, Dec 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0DowladdaTurkiga ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha saldhigga hawada sare ee laga gano gantaallada iyo dayax-gacmeedyada, kaas oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Ankara ay si xowli ah ugu socoto inay noqoto quwad kusoo biirta tartanka hawada sare ee caalamka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha shirkadda Baykar, Sel\u00e7uk Bayraktar, oo ka hadlayay shirkii Take Off \u0130stanbul 2025, ayaa xaqiijiyay in mashruuca dhismaha saldhigga laga bilaabay meel uu ku tilmaamay mid \u201cxeeb bad leh oo istaraatiiji ah\u201d oo ku taalla Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\">\n<div>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Online journalism courses\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Bayraktar wuxuu yiri \u201cTurkiga hadda waxay leedahay meel laga gano dayax gacmeedka, Meeshaas waxay leedahay dhul baaxadiisu dhan tahay 30 km x 30 km oo ku habboon hawlgallada hawada sare. Dunida oo dhan waxaa jira oo keliya 12 saldhig oo noocan ah.\u201d<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in saldhigga ay wada isticmaali doonaan shirkado kala duwan oo Turkish ah, sida Roketsan iyo Baykar, isla markaana ay mustaqbalka qorsheynayaan in halkaas lagu duuliyo gaadiidka hawada sare ee ay soo saaraan.<\/p>\n<p>Saldhigga cusub ayaa Soomaaliya ka dhigaya khariidadda hawada sare ee caalamka, iyada oo noqonaysa goob ku cusub gobolka oo ay isticmaali doonaan injineerro iyo khubaro Turkish ah. Waxa uu sidoo kale noqon karaa mashruuc kobciya iskaashiga labada dal ee dhinacyada teknoolojiyadda, ammaanka iyo maalgashiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabti 13, Dec 2025 {CBB}\u00a0DowladdaTurkiga ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha saldhigga hawada sare ee laga gano gantaallada iyo dayax-gacmeedyada, kaas oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo gudaha Soomaaliya. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Ankara ay si xowli ah ugu socoto inay noqoto quwad kusoo biirta tartanka hawada sare ee caalamka. Guddoomiyaha shirkadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":7979,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-7978","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7978","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=7978"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7978\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7980,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/7978\/revisions\/7980"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/7979"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=7978"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=7978"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=7978"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}