{"id":8120,"date":"2025-12-17T09:07:51","date_gmt":"2025-12-17T09:07:51","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8120"},"modified":"2025-12-17T09:07:51","modified_gmt":"2025-12-17T09:07:51","slug":"midowga-afrika-oo-qeeymeeynayo-xaaladda-amaan-ee-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8120","title":{"rendered":"Midowga Afrika oo qeeymeeynayo Xaaladda Amaan ee Soomaaliya."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco Dec 17, 2025 {CBB}<\/strong>Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeynta howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).<\/p>\n<p>Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee dalka, iyadoo sidoo kale la isla gartay in xaaladda maaliyadeed ee hawlgalka AUSSOM ay tahay mid adag, taasoo u baahan xalal degdeg ah oo waara si loo hubiyo sii socoshada howlgalka iyo taageerada hay\u2019adaha ammaanka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya u qaabilsan Midowga Afrika, Maxamed Khaalid, ayaa mar kale adkeeyay taageerada joogtada ah ee dalkiisa u hayo xasilloonida Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Aljeeriya ay ka go\u2019an tahay garab istaagga dadaallada nabadeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo la kaashaneysa saaxiibada goboleed iyo kuwa caalami ah.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\">\n<div>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"International Relations Analysis\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Sidoo kale, Danjire Maxamed Khaalid ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in la helo xalal wada oggol ah oo lagu wajaho dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta hawlgalka Midowga Afrika, si ay dowladda Soomaaliya ugu suuragasho in ay si buuxda ula wareegto mas\u2019uuliyadda amniga dalka.<\/p>\n<p>Waxa uu xusay mas\u2019uuliyadda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka saaran hubinta maalgelin joogto ah oo hawlgalka ah.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika ayaa soo bandhigay talooyin iyo ikhtiyaarro ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo hay\u2019adaha dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Arrimahan ayaa la filayaa in marka hore ay daraaseeyaan dalalka ciidamada ku biiriya hawlgalka iyo Guddiga Taliska Militariga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, ka hor inta aan go\u2019aan kama dambeys ah laga gaarin.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\">\n<div>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Radio HIiraanweyn\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Ugu dambeyn, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu soo saaro bayaan rasmi ah oo ku saabsan natiijooyinka kulankan iyo jihada mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco Dec 17, 2025 {CBB}Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka siyaasadeed ee ka jira Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale qiimeynta howlaha Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee dalka, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8121,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-8120","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8120","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8120"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8120\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8122,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8120\/revisions\/8122"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8121"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8120"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8120"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8120"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}