{"id":8133,"date":"2025-12-17T10:28:38","date_gmt":"2025-12-17T10:28:38","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8133"},"modified":"2025-12-17T10:28:38","modified_gmt":"2025-12-17T10:28:38","slug":"sawirada-masuuliyiin-kala-duwan-oo-gaaray-kismaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8133","title":{"rendered":"SAWIRADA; Masuuliyiin kala duwan oo Gaaray Kismaayo."},"content":{"rendered":"<p><strong>Arbaco Dec 17, 2025 {CBB}<\/strong>\u00a0Madaxweynaha Jubbaland,\u00a0 Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha\u00a0 Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra\u2019iisul Wasaare hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiintan ayaa Kismaayo u tagay ka qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la filayo inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo maalinta berri ah.<\/p>\n<p>Shirkaasi ayaa lagu wadaa in lagu gorfeeyo arrimo muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed, midnimada dalka, hannaanka dowlad-dhisidda, iyo xoojinta wadatashiga hoggaanka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in Kismaayo martigeliso shirkan, isaga oo xusay in wadatashiga iyo isu imaatinka hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed uu door weyn ka qaadanayo helidda aragti mideysan oo ku wajahan horumarinta dalka iyo xasilloonida guud si loo jiheeyo siyaasada Dalka oo haatan mareeysa .meel Cakiran kadib markii kooxda Villa Soomaaliya ay xukunka iyo Talada dalka iskusoo koobeen Dastuurkana ay wax badan ka badaleen taasoo isku aragti aanan laga ahayn, waxaana ay taasi keentay in Kismaayo ay ku shiraan Siyaasiyiintii Dalkan wax galka u ahaa.<\/p>\n<p>Dhankooda, Madaxweynaha Puntland iyo Ra\u2019iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jubbaland iyo shacabka Kismaayo soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyaga oo carabka ku adkeeyay in Shirkan Golaha Mustaqbalka uu yahay fursad muhiim ah oo lagu dhisi karo aragti mideysan, laguna xoojin karo wada shaqeynta hoggaanka siyaasadeed ee dalka.<\/p>\n<p>Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu soo jiito ka qeybgal ballaaran oo isugu jira hoggaamiyeyaal siyaasadeed, aqoonyahanno, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo si qoto dheer uga doodi doona jihada siyaasadeed ee dalka iyo caqabadaha horyaalla Dowlad dhiska Soomaaliya.<img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/Madaxweyne-dani.jpg\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/www.hiiraanweyn.net\/wp-content\/uploads\/2025\/12\/Axmed-madoobe-iyo-xasna-ali-kheeyte.jpg\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Arbaco Dec 17, 2025 {CBB}\u00a0Madaxweynaha Jubbaland,\u00a0 Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha\u00a0 Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra\u2019iisul Wasaare hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre. Mas\u2019uuliyiintan ayaa Kismaayo u tagay ka qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la filayo inuu si [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8134,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8133","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8133","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8133"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8133\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8135,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8133\/revisions\/8135"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8134"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8133"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8133"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8133"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}