{"id":8322,"date":"2025-12-28T06:59:42","date_gmt":"2025-12-28T06:59:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8322"},"modified":"2025-12-29T07:02:24","modified_gmt":"2025-12-29T07:02:24","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-shir-deg-deg-ah-iskugu-yeeray-madaxda-m-goboleedyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8322","title":{"rendered":"Madaxweynaha Soomaaliya oo shir deg deg ah iskugu Yeeray Madaxda M\/Goboleedyada."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 28,Dec 2025 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.<\/p>\n<p>Wararka ayaa sheegaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is-afgarad qaran, iyo jihada mustaqbalka ee dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah.<\/p>\n<p>Waxaa la filayaa in maanta ay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu shalay soo gaaray caasimadda kaddib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\">\n<div>\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Satellite phones\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dhanka kale, wali ma cadda in shirka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, inkastoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha uu gogol wadatashi oo ballaaran u fidiyay dhammaan madaxda dalka, si looga arrinsado masiirka guud ee Soomaaliya iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa imanaya ku soo aadaya xili wadanka uu wajahayo xiisad diplomaasiyeed oo ka dhashay aqoonsiga ay Israaiil siisay Maamulka Soomaaliland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 28,Dec 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Wararka ayaa sheegaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8323,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8322","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8322","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8322"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8322\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8324,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8322\/revisions\/8324"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8323"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8322"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8322"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8322"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}