{"id":8531,"date":"2026-01-06T10:38:20","date_gmt":"2026-01-06T10:38:20","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8531"},"modified":"2026-01-07T10:39:42","modified_gmt":"2026-01-07T10:39:42","slug":"maxay-ka-dhigantahay-booqashada-uu-wasiirka-arrimaha-dibadda-israaiil-ku-tagay-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8531","title":{"rendered":"Maxay ka dhigantahay booqashada uu wasiirka arrimaha dibadda Israa\u2019iil ku tagay Somaliland?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 06 Jan 2026 {CBB}<\/strong>\u00a0Booqashada uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa\u2019iil, Gideon Saar, ku tagay Hargeysa waxay ka mid noqotay dhacdooyinka diblomaasiyadeed ee si degdeg ah u beddelay qaabka doodda siyaasadeed ee ku saabsan Somaliland, Soomaaliya, iyo guud ahaan Geeska Afrika. Dhinaca Somaliland, socdaalkan waxaa si cad loogu sifeeyay \u201cmid taariikhi ah\u201d, maadaama uu noqday wasiir arrimo dibadeed oo Israa\u2019iili ah kii ugu horreeyay ee booqasho rasmi ah ku taga Hargeysa.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay isla markiiba ku jawaabtay warsaxaafadeed ku tilmaamay booqashadan mid jebinaysa shuruucda caalamiga ah, iyada oo mar kale adkaysay in Somaliland tahay qeyb aan ka go\u2019i karin Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kala duwanaanshaha labadan mowqif ma aha oo kaliya muran siyaasadeed, waa laba aragti oo si buuxda u kala fog oo ku saabsan sida loo fahmayo sharciyadda, madaxbannaanida, iyo cidda xaqa u leh inay qeexdo xiriirrada diblomaasiyadeed ee gobolka.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay xoojisay mabda\u2019a wadajirka dhuleed iyo sharciga caalamiga ah, halka Israa\u2019iil, hadalka Saar ka muuqday, ay ku adkaysanayso aragti ku dhisan go\u2019aan-qaadasho madax-bannaan oo aan cid kale lagala tashan.<\/p>\n<p>Markii uu Saar si cad u sheegay in Israa\u2019iil ay kaligeed go\u2019aansanayso cidda ay aqoonsanayso iyo cidda ay xiriir la sameynayso, wuxuu fariin toos ah u diray Muqdisho iyo guud ahaan nidaamka caalamiga ah: Telaabiib ma aragto wax xaddidaya dhaq-dhaqaaqeeda marka ay gaarto danaha ay u aragto kuwo istaraatiji ah.<\/p>\n<p>Si ka baxsan hadallada rasmiga ah, booqashada Saar waxay iftiimisay arrin ka ballaaran aqoonsi siyaasadeed.<\/p>\n<p>In wasiir arrimo dibadeed uu si furan u tago dhul kale, waxay caadi ahaan muujisaa heer kalsooni amni iyo diyaargarow istiraatiji ah.<\/p>\n<p>Taasi waxay dhalinaysaa; ma aqoonsi uun baa miiska saaran , mise Israa\u2019iil waxay durba ka tallaabsatay marxaladda doodda, kuna jirtaa wejigii dejinta joogitaan amni iyo mid istaraatiji ah?<\/p>\n<p>Haddii ay sidaas tahay, dooddu ma aha \u201cin la aqoonsanayo Somaliland\u201d, balse waxay isu beddeshay su\u2019aal ah heerka iyo baaxadda joogitaanka Israa\u2019iil ee gudaha Somaliland\u2014taas oo si toos ah Telaabiib uga dhigaysa quwad laga tixgeliyo marka laga hadlayo amniga Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Hadallada ka soo baxay hoggaanka Somaliland, gaar ahaan madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xoojiyay fahamkan.<\/p>\n<p>Cirro wuxuu si furan u bogaadiyay tallaabada Israa\u2019iil, isagoo Somaliland ku tilmaamay xulufo la isku halleyn karo oo ku taalla goob istaraatiji ah.<\/p>\n<p>Ku dhawaaqista booqasho rasmi ah oo uu Cirro ku tegi doono Israa\u2019iil, oo socdaalka Saar, kaddib la shaaciyay kana timid Netanyahu oo casuumaad toos ah u diray Cirro , waxay astaan u tahay in xiriirku u gudbay heer ka baxsan is-dhexgal diblomaasiyadeed oo hoose, una dhow iskaashi muuqda.<\/p>\n<p>Inkasta oo labada dhinac ay ku celceliyeen in xiriirkani uusan cidna khatar ku ahayn, haddana xaqiiqada siyaasadda gobolka ayaa ka dhigaysa ballanqaadyada noocaas ah kuwo mar walba muran dhalin kara.<\/p>\n<p>Dhinaca Soomaaliya gudaheeda, booqashadan waxay mar kale soo nooleysay baaqyada ku saabsan baahida loo qabo midnimo siyaasadeed iyo jawaab qaran oo isku duuban.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, cambaareynta iyo hadallo ka yimid mucaaradka lagama arag wax la taaban karo oo u rogmaya tallaabo istaraatiji ah oo dowladda u suurtagelin karta inay saameyn dhab ah ku yeelato jihada arrimuhu u socdaan.<\/p>\n<p>Tani waxay muujinaysaa farqiga u dhexeeya hadalka siyaasadeed iyo awoodda dhabta ah ee wax lagu beddeli karo.<br \/>\nMarka la eego sawirka caalamiga ah ee ballaaran, booqashada Saar , ma aha dhacdada kaliya ee toddobaadkan lagu sheegay mid lagu jebiyay sharciyad caalamiga ah.<\/p>\n<p>Dhacdooyin is-daba-joog ah oo ka dhacay meelo kale oo adduunka ah ayaa muujinaya hoos u dhac ku yimid awoodda sharciga caalamiga ah marka uu wajahayo rabitaanka quwadaha waaweyn.<\/p>\n<p>Faragelinta Mareykanka ee Venezuela iyo hadalladii si cad u wiiqay kaalinta Qaramada Midoobay oo ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio oo yiri ; \u201c Waxba igama gelin waxa laga sheego Qaramada Midoobay<\/p>\n<p>.\u201d Hadalladan waxay sii xoojiyeen dareenka ah in nidaamkii xeerarka ku dhisnaa uu si tartiib ah u daciifayo.<\/p>\n<p>Isla waqtigaas, dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Israa\u2019iil ee ku wajahan Ruushka iyo farriimaha loo dirayo Iiraan waxay muujinayaan xisaab milatari iyo mid amni oo si taxaddar leh loo miisaamay, gaar ahaan marka la tixgeliyo xiisadaha Yemen iyo doorka kooxaha ku xiran Tehran, kaddib markii Netanyahu uu Putin la wadaagay farriin ku socota Iiraan, isagoo u sheegay inaysan Israa\u2019iil , xilligan diyaarinayn weerar ka dhanka ah Iiraan.<\/p>\n<p>Ujeeddada farriintan ayaa ah inuu Netanyahu ka hortagayo Iiraan inay qaado weerar hordhac ah, sida horey loo arkeyna weerarkaa uu ka imaan karo meel ka baxsan dibadda , ma cadda farriinta in lagu dejinayay booqashada wasiirka arrimaha dibadda Israa\u2019iil uu ku tagay Somaliland , halkaa oo aysan ka fogeyn Xuutiyiinta Yemen.<\/p>\n<p>Intaas waxaa sii dheer, buuqa ka dhashay hadallada Mareykanka ee ku saabsan Greenland iyo khilaafaadka ka dhex qarxay xulafada NATO waxay mashquulinayaan dareenka reer Galbeedka, iyaga oo hoos u dhigaya awoodda ay si isku-duuban uga falcelin karaan tallaabooyinka Israa\u2019iil ee Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Tani waxay fursad siinaysaa Telaabiib inay ku dhaqaaqdo ajande ay u aragto mid istaraatiji ah, xilli quwadaha kale; sida Shiinaha, Turkiga, Sacuudiga iyo Masar , ay si feejigan ula socdaan.<\/p>\n<p>Dib u dhaca ku yimid safarkii la filayay ee madaxweynaha Soomaaliya inuu ku tago Sacuudiga , ayaa sidoo kale muujiyay xaddidaadda ikhtiyaarrada ay Muqdisho haysato.<\/p>\n<p>Sacuudiga waxaa loo arkayay saaxiibka ugu awoodda badan ee Soomaaliya ku caawin kara joojinta Israa\u2019iil, marka la eego saameynta uu ku leeyahay Mareykanka , dalalka Islaamka iyo dunida Carabta.<\/p>\n<p>Hase yeeshee, xaaladda hadda jirta waxay u muuqataa mid ku koobaysa jawaabta Soomaaliya cambaareyn diblomaasiyadeed iyo dadaallo cadaadis ah oo aan weli yeelan miisaan wax ku ool ah.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii, booqashada Gideon Saar ee Hargeysa waxay astaan u tahay isbeddel qoto dheer oo ka socda hab-dhaqanka diblomaasiyadeed ee gobolka, halkaas oo sharciga caalamiga ah, rabitaanka quwadaha, iyo loollanka istaraatijiyadeed ay si isa soo taraysa isugu dhacayaan.<\/p>\n<p>Somaliland waxay u aragtaa fursad ay ku xoojiso raadinteeda aqoonsi, Israa\u2019iilna waxay ka dhex aragtaa meel istaraatiji ah oo danaha amni iyo siyaasadeed isugu yimaadaan.<\/p>\n<p>Soomaaliya, dhankeeda, waxay wajahaysaa tijaabo adag, sida ay uga gudbi karto cambaareyn keliya una beddeli karto istaraatijiyad mideysan oo miisaan leh, si ay u difaacdo danaha qarankeeda xilli nidaamka caalamiga ahi uu u muuqdo mid sii kala daadanaya.<\/p>\n<p>Qodobka go\u2019aamin doona jihada mustaqbalka ma noqon doono hadalka ugu kulul, balse wuxuu noqon doonaa cidda awood u leh inay si miyir leh u akhrido waqtiga, uguna jawaabto xeelad ka tarjumaysa xaqiiqooyinka cusub ee awoodda caalamiga ah<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 06 Jan 2026 {CBB}\u00a0Booqashada uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa\u2019iil, Gideon Saar, ku tagay Hargeysa waxay ka mid noqotay dhacdooyinka diblomaasiyadeed ee si degdeg ah u beddelay qaabka doodda siyaasadeed ee ku saabsan Somaliland, Soomaaliya, iyo guud ahaan Geeska Afrika. Dhinaca Somaliland, socdaalkan waxaa si cad loogu sifeeyay \u201cmid taariikhi ah\u201d, maadaama uu noqday wasiir [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8532,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-8531","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8531","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8531"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8531\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8533,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8531\/revisions\/8533"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8532"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8531"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8531"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8531"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}