{"id":8597,"date":"2026-01-10T09:24:28","date_gmt":"2026-01-10T09:24:28","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8597"},"modified":"2026-01-10T09:24:28","modified_gmt":"2026-01-10T09:24:28","slug":"maxay-ahaayeen-suaalaha-ku-adkaaday-in-uu-ka-jawaabo-guddoomiyaha-xisbiga-waddani-ee-somaliland-kaas-uu-ka-qaaday-aljazeera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8597","title":{"rendered":"Maxay ahaayeen Su\u2019aalaha ku adkaaday in uu ka jawaabo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland kaas uu ka qaaday Aljazeera?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 10 Jun 2026 {CBB}<\/strong>Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa ka jawaabi waayay dhowr su\u2019aal sababo la xiriira cilaaqaadka ay ka danaynayaan Israa\u2019iil in uu la yeesho Maamulkiisa.<\/p>\n<p>Su\u2019aalo si isdaba-joog ah oo uga yimid dhinaca Wariyaha Barnaamijka waday ayuu ugu dambayn qadka uga baxay, waxaana uu ka meermeeray in uu jawaab ka bixiyo hadallada ay qoreen Warbaahinta Israa\u2019iil ee bannaanka yaalla balse maamulkiisa uu duugayo.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Xirsi ayaa wax laga weydiiyay in Israa\u2019iil ay Saldhig Militari ka dhiganayso Deegaannada Somaliland isaga oo uga jawaabay \u201cMa doonayo in aan hadda ka jawaabo su\u2019aashaas\u201d Axmed Daaha ayaa u sheegay in Warbaahinta Israa\u2019iil ay sidaas qorayso waxaana su\u2019aashaas la aaday jiho kale isaga oo yiri,\u00a0<strong><em>\u201cWaxa aan ku faraxsanahay Cilaaqaadka Israa\u2019iil &amp; Booqashada Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>Mar uu soo hadal qaaday Xasuuq uu sheegay in ay u gaysatay dowladdii kacaanka ayaa isla wariye Axmed Daaha ku celiyay sida ay Somaliland u aragto Israa\u2019iil oo dhiig badan ku daadisay Gaza, xasuuq u gaysatay, in ka badan 2 Milyan oo qof ay cunno, biyo la\u2019aan &amp; go\u2019doon isugu dartay ayuu uga jawaabay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cWaan ka fognahay Falastiin, Masar ayaa nooga dhow Marinka Rafac,\u201d<\/em><\/strong>\u00a0sidaasi waxaa yiri, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland,<\/p>\n<p>Waxaa kale oo la weydiiyay Xirsi Su\u2019aashaan ah, sidee ayaad u qaadaan hal-ku-dhigga \u201cLaa ilaaha illallaah\u201d adiga oo haddana la midoobaya dilaayaasha carruurta ee Gaza?<\/p>\n<p><strong><em>\u201cMasar, Turkiga, Urdun, Imaaraatka, Morooko &amp; kuwo kale ayaa cilaaqaad la leh Israa\u2019iil sidaas oo kale ayaan noqonaynaa\u201d<\/em><\/strong>\u00a0isla suxufiga ayaa ku celiyay in aanay jirin saldhig ay Yuhuuddu ku leedahay dalalkaas, waxa uu ku gaabsaday in uusan arrintaan hadda ka hadlayn.<\/p>\n<p>Xirsi Cali ayaa markale lagu dhahay\u00a0<strong><em>\u201cIs qabadsii idinka oo sheeganaya in la idin xasuuqay haddana heshiis la galay Israa\u2019iil oo nafta dhaafisay in ka badan 70,000 oo Falastiiniyiin ah oo u badan Haween iyo Carruur sida uu garaadkooda u siiyay\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>\u201cKama hadlayo arrinta Gaza ee waxa aan ka hadlaynaa Wadaagga Siyaasadeed ee Israa\u2019iil, mana ahan wax diintu xarimtay arrintaan, oo nabi Muxamed NNKH ayaa la tacaamuli jiray\u201d Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye Xirsi.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Suxufi Axmed Daaha ayaa yiri\u00a0<strong><em>\u201cRaali ahaaw mudane Xirsi, Nabiga NNKH lama tacaamulin Dowlad Israa\u2019iil ah ee waxa uu Yuhuudda ula tacaamulay si lamid ah Kirishtaanka, Sidee ayaad isku waafajinee Xadiithka dhashay muslimiintu waa walaalo iyo Israa\u2019iil oo dishay oo aad heshiis la gasheen?<\/em><\/strong>\u201d.<\/p>\n<p>Xirsi ayaa Su\u2019aashaas uga jawaabay isaga oo dhinac kale cuksaday\u00a0<strong><em>\u201cInnagu Diin kuma heshiin ee Siyaasad ayaan isku fahmany\u201d<\/em><\/strong>\u00a0waxaa Isla Axmed uu ku celiyay\u00a0<strong>Maxay tahay Faa\u2019iidada Israa\u2019iil ay ka halayso Somaliland? Waa maxayse faa\u2019iidada Somaliland ay ka helayso Israa\u2019iil<\/strong><\/p>\n<p>\u201cWaxa aan ka faa\u2019iidaynaa in ay Dowlad noo aqoonsato, Ganacsiga &amp; Is dhexgalkeenna\u201d mar lagu celiyay waxa ay Israa\u2019iil ka faa\u2019iidayso waxa uu uga warceliyay \u201cIsraa\u2019iil waydiiya waxa ay naga faa\u2019iidayso\u201d Suxufiga ayaa ku celiyay Sida ay Israa\u2019iil sheegayso waxa ay rabtaa Saldhig Militari iyo In ay Dadka Falastiiniyiinta u rarto Somaliland waxa uu ku gaabsaday\u00a0<strong><em>\u201cKama hadlin Arrimaha Falastiin balse tan naga dhaxeysa Israa\u2019iil ayaa kawada hadalnay\u201d<\/em><\/strong>.<\/p>\n<p>Marka wax la weydiiyay dhinac aanay Israa\u2019iil ahayn oo aqoonsan waxa uu sheegay in uu Maraykanka aqoonsan yahay balse Wariyaha ayaa ka dhexgalay isaga oo u sheegay in aanay Ameerika aqoonsanayn Somaliland, waxa uu markale ku haftay in 34 sano ay ku noolaayeen aqoonsi la\u2019aan halka billowga Waraysiga uu ku sheegay in 34 sano Dowlad ismaamusho ahaayeen.<\/p>\n<p>Markii Su\u2019aalaha iyo Jawaabaha halkaas gaareen ayaa la weydiiyay mowqifka Somaliland ee Falastiin iyo mowqifkooda Dhulka ay Israa\u2019iil ka haysato, waxa uu si kooban u sheegay in mowqifkooda uu yahay kan Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta.<\/p>\n<p>Waxaa lagu celiyay in mowqifka Somaliland uu yahay in Israa\u2019iil lagula xisaabtamo Dadka ay ku dishay Gaza oo ka badna 70 kun oo Haween iyo Carruur ah, waxa uu Haa balse isla jumbaladaas inta uu waday ayuu dib uga laabtay isaga oo sheegay in aanay arrintaas ka hadlayn.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Axmed Daaha, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Xaaji u sheegay in uusan fahmin Su\u2019aasha uu weydiiyay kana meermeerayo isla markaana uu aadayo meelo kale, waxaana uu dib ugu celiyay isla su\u2019aasha ahayd Mowqifka Somaliland ee dadka Falastiin ay ku xasuuqday Gaza.<\/p>\n<p>Xirsi oo diidan in uu ka jawaabo su\u2019aashaas isaga oo ka dhex eegaya sida ay u saamayn karto cilaaqaadka curdinka ah ee Israa\u2019iil la samaystay maamulkiisa ayaa qadka ka baxay, waxa ay tani keentay in lagu maadsado maadaama Su\u2019aalo fudud uu uga weecday Israa\u2019iil darteed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 10 Jun 2026 {CBB}Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa ka jawaabi waayay dhowr su\u2019aal sababo la xiriira cilaaqaadka ay ka danaynayaan Israa\u2019iil in uu la yeesho Maamulkiisa. Su\u2019aalo si isdaba-joog ah oo uga yimid dhinaca Wariyaha Barnaamijka waday ayuu ugu dambayn qadka uga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8598,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8597","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8597","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8597"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8597\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8600,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8597\/revisions\/8600"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8598"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8597"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8597"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8597"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}