{"id":8613,"date":"2026-01-11T10:28:55","date_gmt":"2026-01-11T10:28:55","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8613"},"modified":"2026-01-11T10:28:55","modified_gmt":"2026-01-11T10:28:55","slug":"wasiir-axmed-fiqi-shacabka-waqooyi-galbeed-xitaa-kuma-raacsana-siyaasiyiintooda-goonigoosasho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8613","title":{"rendered":"Wasiir Axmed Fiqi \u201cShacabka Waqooyi Galbeed xitaa kuma raacsana siyaasiyiintooda goonigoosasho\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 11 Jun 2026 {CBB}<\/strong>Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa wax laga weydiiyay faragelinta Israa\u2019iil ee Dalka, Arrinta Caydaruus Al-Zubaydi, Somaliland, Dalalka Garab taagan iyo kuwo kale.<\/p>\n<p>Ugu horrayn waxa uu ka hadlay arrinta Somaliland iyo gooni goosadka in ay isku raacsan yihiin in ay ka go\u2019aan Soomaaliya inteeda kale, waxa uu tilmaamay in kala bar (50%) dadka waqooyiga ay leeyihiin Maamullo hoostaga Dowlada Federaalka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"filled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_2_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Waxa uu carrabka ku dhuftay in Waqooyi Galbeed oo dhinac gaar ah noqday xitaa Shacabkooda &amp; Dadkooda waxgaradka ah aanay rabin in ay ka go\u2019aan Dalka intiisa kale, waxa uu ku bogaadiyay go\u2019aankooda mustaqbalka wanaagsan leh.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cSomaliland kala bar waxa ay ku biirtay Dowladda Federaalka, keliya Waqooyi galbeed ayay siyaasiyiintooda wadaan ololaha gooni goosadka ah, iyanna Shacabkeeda xornimada usoo halgamay ma rabaan in dalka la kala gooyo\u201d<\/em><\/strong>\u00a0ayuu yiri, Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga XFS.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland ayuu dhinac dhigay Hoggaamiyii Golaha kumeel-gaarka ahaa ee Yemen, Caydaruus Al-Zubaydi oo maalmo kahor dalkiisa ka baxday, waxa uu Wasiir Axmed Fiqi tilmaamay in Mustaqbalka dhow uu Cabdiraxmaan Cirro mari doonno dhabbahaas.<\/p>\n<p>Mar wax laga weydiiyay haddii ay jiraan Dalal Soomaaliya ay la kaashanayso arrinta difaaca faragelinta Israa\u2019iil waxa uu ku jawaabay in ay jiraan Waddamo badan oo kahor yimid xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya isla markaana ay dhinac taagan yihiin sida Sacuudiga, Masar, Turkiga, Qatar &amp; Dalal kale.<\/p>\n<p>Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa wax laga weydiiyay arrinta la xiriirta in Caydaruus Al-Zubaydi uu safar ku maray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde isaga oo baxsad ah, waxa uu ku jawaabay in arrintaas ay Dowladda baarayso warna kasoo saarayso marka ay hesho xog lagu xaqiijinayo jiritaanka iyo beerinta warkaas.<\/p>\n<p>Axmed Fiqi waxaa kale oo la weydiiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsanayso Awood Militari si ay uga hortagto faragelinta Israa\u2019iil ay ku hayso Dalka, isaga oo Suxufiga uu tilmaamay in ay Yuhuudda kamid tahay Dalalka awoodaha Militari haysato.<\/p>\n<p>Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya ay la dagaalantay Gumaystayaal, waxaana uu Soomaalida ku sifeeyay dad aan is dhiibin oo in ka badan 600 oo sano u halgamayay in ay ka guulaystaan gumayste haystay oo ugu dambayn ka adkaadeen.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-5485553666531996\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p><strong><em>\u201cXaqiiq Israa\u2019iil waxa ay leedahay awood balse waxa aan leenahay taariikh lagu garanayo Soomaalida oo ah in ay la dagaalanto gumaystaha &amp; dadka kusoo xadgudba, gacmahayna kama laaban doonno dulmiga Israa\u2019iil\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.<\/p>\n<p>Waxaa markale la weydiiyay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Danjire Axmed Fiqi in ay jirto cabsi ay ka qabaan in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland si lamid ah Israa\u2019iil, haddii ay dhacdana sida ay Soomaaliya uga falcelin karto isaga oo ku jawaabay.<\/p>\n<p><strong><em>\u201cItoobiya waa dal deriska ah, waxa ay Dowladdaas caddaysay in ay ixtiraamayso madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, mana u malayneyno in ay Israa\u2019iil ku raacayso\u201d<\/em><\/strong>\u00a0Sidaasi waxaa yiri, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga XFS.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay diyaarinayso dacwad ka dhan ah Israa\u2019iil maadaama ay ku xadgudubtay midnimadeeda iyo wadajirkeeda kolkii Ra\u2019iisul Wasaaraha Yuhuudda uu aqoonsaday Somaliland sidoo kalena Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda uu tagay Magaalada Hargaysa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 11 Jun 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa wax laga weydiiyay faragelinta Israa\u2019iil ee Dalka, Arrinta Caydaruus Al-Zubaydi, Somaliland, Dalalka Garab taagan iyo kuwo kale. Ugu horrayn waxa uu ka hadlay arrinta Somaliland iyo gooni goosadka in ay isku raacsan yihiin in ay ka go\u2019aan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8614,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8613","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8613","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8613"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8613\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8615,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8613\/revisions\/8615"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8614"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8613"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8613"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8613"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}