{"id":8716,"date":"2026-01-15T08:29:42","date_gmt":"2026-01-15T08:29:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8716"},"modified":"2026-01-16T08:35:51","modified_gmt":"2026-01-16T08:35:51","slug":"puntland-oo-gabi-ahaanba-mamnuucday-khamaarka-internet-ka-ee-loo-yaqaanno-1xbet","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8716","title":{"rendered":"Puntland oo gabi ahaanba mamnuucday khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet."},"content":{"rendered":"<p><strong>khamis 15 jun 2026 {CBB}<\/strong>Shirka toddobadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, uuna guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in golaha wasiirrada gabi ahaanba amreen in la mamnuuco khamaarka internet-ka ee loo yaqaanno 1xBet.<\/p>\n<p>Bayaanka ayaa farriin loogu dirtay shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la amray in si dhameystiran loo joojiyo adeegyada 1xBet ee laga isticmaalo deegaanada Puntland.<\/p>\n<p><strong>\u201cGolaha Wasiirada ayaa markale ku celiyay in Puntland uu mamnuuc ka yahay Khamaarka (1xBet), waxaana lagu wargeliyay Hay\u2019adaha iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in si dhameystiran loo joojiyo,\u201d<\/strong>\u00a0ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii u dambeeyey ay soo kordhayeen cabashooyinka waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku aaddan saamaynta xun ee khamaarka 1xBet uu ku yeeshay amniga iyo akhlaaqda dhallinyarada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>khamis 15 jun 2026 {CBB}Shirka toddobadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo maanta ka qabsoomay magaalada Garoowe, uuna guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Maamulkaasi. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in golaha wasiirrada gabi ahaanba amreen in la mamnuuco khamaarka internet-ka ee loo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8717,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8716","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8716","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8716"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8716\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8718,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8716\/revisions\/8718"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8717"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8716"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8716"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8716"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}