{"id":873,"date":"2024-08-22T07:50:45","date_gmt":"2024-08-22T07:50:45","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=873"},"modified":"2024-08-22T07:50:45","modified_gmt":"2024-08-22T07:50:45","slug":"wasiir-arrimaha-dibadda-soomaaliya-ciidamada-itoobiya-waxay-doonayaan-in-ay-qasab-ku-sii-joogaan-soomaaliya-taasina-sax-maaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=873","title":{"rendered":"Wasiir Arrimaha Dibadda Soomaaliya \u201cCiidamada Itoobiya waxay doonayaan in ay qasab ku sii joogaan Soomaaliya, taasina sax maaha\u201d"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 21 August, 2024 {CBB}<\/strong>Wasiirka arrimaha dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya qorsheynayso in ay si qasab ah ciidamadeeda ku sii joogaan gudaha Soomaaliya, xilli uu socdo qorshaha howlgal cusub oo badalaya askarta ATMIS.<\/p>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isku dayadaan ay wadaan mas\u2019uuliyiin sare oo Itoobiyaan ah, isla markaasna ay sheeganayaan in uu dhiig badan kaga baxay gudaha Soomaaliya, ayna si fudud uga baxeyn.<\/p>\n<p><strong>\u201cWaxaan arkaynaa in mas\u2019uuliyiin Itoobiyaan ah ay isku dayayaan in ay ciidamadooda qasab ku sii joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaqmaya sidii ciidan aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS, taasina sax maaha, go\u2019aanka dalalka kamid noqonaya howlgalka cusub ee Soomaaliya wuxuu u yaalla dowladda Federaalka\u201d<\/strong>\u00a0ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay sababihii keenay in ay natiijo la\u2019aan ku soo dhammaadaan wada hadalada Turkiga, isaga oo sheegay in ay weli Itoobiya iska indho-tireyso sharciyadda caalamiga ah iyo madax bannaanida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli uu socdo qorshaha bixitaanka howlgalka ATMIS oo ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya oo ku sugan qeybo kamid ah deegaannada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 21 August, 2024 {CBB}Wasiirka arrimaha dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Itoobiya qorsheynayso in ay si qasab ah ciidamadeeda ku sii joogaan gudaha Soomaaliya, xilli uu socdo qorshaha howlgal cusub oo badalaya askarta ATMIS. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isku dayadaan ay wadaan mas\u2019uuliyiin sare oo Itoobiyaan ah, isla [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":874,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-873","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/873","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=873"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/873\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":875,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/873\/revisions\/875"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/874"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=873"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=873"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=873"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}