{"id":8731,"date":"2026-01-16T08:46:19","date_gmt":"2026-01-16T08:46:19","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8731"},"modified":"2026-01-16T08:46:19","modified_gmt":"2026-01-16T08:46:19","slug":"fiqi-oo-laascaanood-ka-shaaciyay-qorshe-ku-saabsan-maamul-loo-dhisayo-awdal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8731","title":{"rendered":"Fiqi oo Laascaanood ka shaaciyay qorshe ku Saabsan Maamul loo dhisayo Awdal"},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 16 jun 2026 {CBB}<\/strong>Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa waddo qorshe cusub oo la xiriira dhismaha maamul gaar ah oo loo sameeyo gobollada ay deggan yihiin dadka reer Awdal, sida uu shaaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Fiqi oo ku sugan Magaalada Laascaanood.<\/p>\n<p>Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid cadaadis siyaasadeed lagu saarayo maamulka Somaliland.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go\u2019an tahay in ay taageerto rabitaanka bulshada deegaannadaas, islamarkaana ay ka jawaabto cabashooyinka ay ka muujiyeen sida uu sheegay \u201cxaaladda siyaasadeed iyo matalaadda ay ka helaan Somaliland\u201d.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahan uusan ahayn mid colaad hurinaya, balse uu yahay \u201cxal siyaasadeed oo lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya iyo xaqa ay bulshooyinka deegaannadu u leeyihiin is-maamul iyo ka-tashiga mustaqbalkooda\u201d.<\/p>\n<p>Dhankiisa, Somaliland weli si rasmi ah ugama hadlin hadalka Wasiirka Gaashaandhigga, balse tallaabadan ayaa la filayaa inay sii xoojiso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Hargeysa iyo Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 16 jun 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa waddo qorshe cusub oo la xiriira dhismaha maamul gaar ah oo loo sameeyo gobollada ay deggan yihiin dadka reer Awdal, sida uu shaaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Fiqi oo ku sugan Magaalada Laascaanood. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid cadaadis siyaasadeed lagu saarayo maamulka Somaliland. Wasiir Fiqi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8732,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8731","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8731","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8731"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8731\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8733,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8731\/revisions\/8733"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8732"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8731"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8731"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8731"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}