{"id":8740,"date":"2026-01-16T08:53:31","date_gmt":"2026-01-16T08:53:31","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8740"},"modified":"2026-01-16T08:53:31","modified_gmt":"2026-01-16T08:53:31","slug":"magaalada-laascaanood-ayaa-lagu-soo-rogay-bandow-iyo-ammaanka-oo-aad-loo-adkeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8740","title":{"rendered":"Magaalada Laascaanood ayaa  lagu soo rogay Bandow  iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 16 jun 2026 {CBB}<\/strong>Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda xayiray isku socodka gaadiidka magaalada Laascaanood, sida uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Axmed Diiriye.<\/p>\n<p>Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamadii ugu badnaa lagu daadiyay wadooyinka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.<\/p>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><\/div>\n<p>Maalmihii u dambeeyay waxaa Laascaanood ku soo qulqulayay wafuud ka socota dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ahaa safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra\u2019iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka degaya magaalada Laascaanood, iyada oo ammaanka si weyn loo adkeeyay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha iyo Ra\u2019iisul Wasaaraha waxay ka qaybgalayaan munaaasabad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, taas oo qorshuhu yahay in ay dhacdo maalinta sabtida ee berri.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 16 jun 2026 {CBB}Maamuka Waqooyi Bari ayaa 48 saac ee soo socda xayiray isku socodka gaadiidka magaalada Laascaanood, sida uu ku dhawaaqay wasiirka warfaafinta maamulka Waqooyi Bari Axmed Diiriye. Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamadii ugu badnaa lagu daadiyay wadooyinka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Maalmihii u dambeeyay waxaa Laascaanood ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8741,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8740","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8740","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8740"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8740\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8743,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8740\/revisions\/8743"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8741"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8740"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8740"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8740"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}