{"id":8800,"date":"2026-01-19T09:04:37","date_gmt":"2026-01-19T09:04:37","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8800"},"modified":"2026-01-19T09:07:56","modified_gmt":"2026-01-19T09:07:56","slug":"madaxweynaha-dowladda-iran-oo-si-adag-uga-jawaabay-hanjabaadii-trump","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8800","title":{"rendered":"Madaxweynaha Suuriya oo ku dhawaaqay heshiis ay dawladdu la gashay SDF."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin 19 Jun 2026 {CBB}<\/strong><\/p>\n<p>Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa ku dhawaaqay heshiis ay dawladdu la gashay SDF, kaasoo dhigaya in guud ahaan la kala diro oo meesha laga saaro jiritaanka kooxda Kurdida ee SDF, iyadoo hoggaamiyaha SDF, Mazloum Abdi oo heshiiska la sheegay hab online ah inuu ku saxiixay awoodiisa la baabi\u2019iyay. Waxay dawladda Suuriya , la wareegtay ceelasha shidaalka iyo xuduudaha waqooyiga iyo bariga ee ay ku xoogganayeen SDF.<br \/>\nQodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska;<\/p>\n<p>\u2022Dhammaan hay\u2019adaha rayidka ah si buuxda ayaa loogu dari doonaa dawladda Suuriya.<br \/>\n\u2022Ceelasha shidaalka oo dhan waxaa si toos ah ula wareegi doonta dawladda Suuriya.<\/p>\n<p>\u2022Xubnaha SDF waxay si shaqsi ah ugu biiri doonaan Wasaaradda Difaaca Suuriya, mana geli doonaan iyagoo kooxo ama guutooyin ah. Ka hor inta aysan ku biirin, waxaa la mari doonaa hubin amni, iyadoo la siinayo ammaan deegaannada Kurdida.<\/p>\n<p>\u2022Madaxweynaha Suuriya wuxuu soo saari doonaa wareegto madaxweyne oo lagu magacaabayo guddoomiyaha gobolka Hasakah.<\/p>\n<p>\u2022Hubka culus waa laga qaadi doonaa Cayn al-Carab (Kobane), waxaana halkaas laga dhisi doonaa ciidan amni oo maxalli ah oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha.<\/p>\n<p>\u2022Dawladda Suuriya ayaa la wareegi doonta xabsiyada iyo xeryaha ay ku jiraan Daacish iyo qoysaskooda.<\/p>\n<p>\u2022Dawladda Suuriya waxay oggolaan doontaa shakhsiyaadka ay SDF soo jeediso in lagu daro hay\u2019adaha dawladda.<\/p>\n<p>\u2022SDF waxay ballanqaadday inay ka saarto xubnaha PKK ee aan Suuriya u dhalan.<br \/>\n\u2022Dawladda Suuriya waxay sii wadi doontaa dagaalka ka dhanka ah Daacish.<\/p>\n<p>\u2022Waxaa la sameyn doonaa dadaallo lagu fududeynayo dib u soo laabashada barakacayaasha Afrin iyo Sheekh Maqsoud.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin 19 Jun 2026 {CBB} Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa ku dhawaaqay heshiis ay dawladdu la gashay SDF, kaasoo dhigaya in guud ahaan la kala diro oo meesha laga saaro jiritaanka kooxda Kurdida ee SDF, iyadoo hoggaamiyaha SDF, Mazloum Abdi oo heshiiska la sheegay hab online ah inuu ku saxiixay awoodiisa la baabi\u2019iyay. Waxay dawladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8805,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-8800","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8800","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8800"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8800\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8806,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8800\/revisions\/8806"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8805"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8800"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8800"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8800"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}