{"id":8810,"date":"2026-01-20T10:55:53","date_gmt":"2026-01-20T10:55:53","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8810"},"modified":"2026-01-20T10:55:53","modified_gmt":"2026-01-20T10:55:53","slug":"janaraal-caan-ah-oo-lagu-xiray-dalka-itoobiya-iyo-xiisad-cusub-oo-taagan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8810","title":{"rendered":"Janaraal Caan ah oo lagu Xiray Dalka Itoobiya iyo Xiisad Cusub oo Taagan."},"content":{"rendered":"<p><strong>Talaado 20-Jun 2026 {CBB}<\/strong>Ciidamada ammaanka ee Tigrayga ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee \u2018Ciidanka milateriga qaybta 15aad, sida ay ku warrantay ilo-wareedyo BBCda ka tirsan.<\/p>\n<p>\u201cMa jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray,\u201d ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga oo BBC-da la hadlay.<\/p>\n<p>Sarreeye Guuto Gabre ayaa caan ku ah in uu ka horyimaado taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee gobolka kuwaas oo taageeray shirwaynihii guud ee kooxda TPLF, wuxuuna dalbaday in isbeddal lagu sameeyo maamulka kumeel gaarka ah ee Tigrayga oo uu hogaamiyo Getachew Reda.<\/p>\n<p>Gabre oo ka soo horjeeday Taliyeyaasha loo yaqaano \u201ckuwa ciidanka ka sarreeya\u201d ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.<\/p>\n<p>Xafiiska Nabadgelyada iyo Amniga ee gobolka ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay habeenimadii Sabtida in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnaha \u201cku xad-gudbay anshaxa iyo sharciga.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Talaado 20-Jun 2026 {CBB}Ciidamada ammaanka ee Tigrayga ayaa xiray Sarreeye guuto Guesh Gebre oo ahaa taliyihii hore ee \u2018Ciidanka milateriga qaybta 15aad, sida ay ku warrantay ilo-wareedyo BBCda ka tirsan. \u201cMa jirto cid sharciga ka sarreysa, waana sababta loo xiray,\u201d ayuu yiri taliye sare oo ka tirsan ciidamada milateriga oo BBC-da la hadlay. Sarreeye Guuto [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8811,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-8810","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8810","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8810"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8810\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8812,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8810\/revisions\/8812"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8811"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8810"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8810"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8810"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}