{"id":8837,"date":"2026-01-22T09:50:36","date_gmt":"2026-01-22T09:50:36","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8837"},"modified":"2026-01-22T09:50:36","modified_gmt":"2026-01-22T09:50:36","slug":"qm-oo-mucaaradka-ugu-baaqday-in-ay-ka-soo-jawaabaan-baaqa-madaxweyne-xasan-shiikh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8837","title":{"rendered":"QM oo Mucaaradka ugu baaqday in ay ka soo jawaabaan baaqa Madaxweyne Xasan Shiikh"},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis 22-Jun 2026 {CBB}<\/strong>Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay gogosha madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud u fidiyay xubnaha mucaaradka dalka, si loogu midoobo danaha qaranka.<\/p>\n<p>War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan baaqa Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go\u2019antahay heshiis laga gaaro khilaafka jira.<\/p>\n<p><strong>\u201cUNTMIS waxay soo dhowaynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Wadatashiga Qaran iyo casuumaadda ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Waxaan taageeraynaa wadahadal loo dhan yahay oo lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin daah-furan\u201d<\/strong>\u00a0ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri\u00a0<strong>\u201cWaxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si togan uga jawaabaan casuumaadda, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybqaataan wadahadallada soo socda<\/strong>\u201d<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhawaan ku baaqay shir wadashi ah oo furmi doona 1 bisha Febraayo, kaasi oo ay la yeelan doonaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis 22-Jun 2026 {CBB}Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay gogosha madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud u fidiyay xubnaha mucaaradka dalka, si loogu midoobo danaha qaranka. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan baaqa Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go\u2019antahay heshiis laga gaaro khilaafka jira. \u201cUNTMIS [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8838,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-8837","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8837","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8837"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8837\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8839,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8837\/revisions\/8839"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8838"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8837"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8837"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8837"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}