{"id":8898,"date":"2026-01-25T09:09:59","date_gmt":"2026-01-25T09:09:59","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8898"},"modified":"2026-01-25T09:09:59","modified_gmt":"2026-01-25T09:09:59","slug":"xiisadda-sacuudi-carabiya-iyo-imaaraadka-oo-dib-u-qaraxday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8898","title":{"rendered":"Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo dib u qaraxday."},"content":{"rendered":"<p><strong>Axad 25, Jan 2026 {CBB}<\/strong>Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay inay \u201cisku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda (Zionism)\u201d isla markaana ay u dhaqmayso sidii \u201cjaajuus cadow ah oo Israa\u2019iil u dhex joogay dunida Carabta.\u201d<\/p>\n<p>Ujeeddada tallaabooyinkan ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Sacuudiga, si Imaaraadku u noqdo quwadda ugu sarreysa gobolka.<\/p>\n<p>Maqaal aad u kulul oo maalintii Khamiista lagu daabacay wargeyska Al Jazirah ee kasoo baxa Sacuudiga, ayuu Axmed bin Cuthmaan At-Tuwaijri ku eedeeyay madaxda Imaaraadka (gaar ahaan Abu Dhabi) in ay indho-tirtay \u201cnacayb iyo xaasidnimo,\u201d ayna dhabarka u jeediyeen Boqortooyada inkastoo Sacuudigu uu tobanaan sano garab taagnaa.<\/p>\n<p>Tuwaijri, oo horey hormuud uga soo noqday Jaamacadda King Saud, xubinna ka ahaa Golaha Shuurada, ayaa dhaleeceyntiisa si gaar ah ugu jiheeyay Imaaradda Abu Dhabi. Wuxuu sheegay inay waddo \u201cshirqoollo cadaawadeed oo ku hoos gabbanaya diblomaasiyad,\u201d isla markaana ay ka dambayso isku dayo dhowr ah oo lagu xasillooni-darreynayo gobolka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Golaha Shuurada waa gole la-talin iyo sharci-dejin oo Boqorka kala taliya arrimaha sharciga, siyaasadda, iyo maamulka, waana nidaam la mid ah dhaqanka soo jireenka ah ee Carabta.<\/p>\n<p>Isagoo tallaabooyinka Imaaraadka ku tilmaamaya kuwo halis ku ah jiritaanka iyo mabda\u2019a Carabta, ayuu Tuwaijri sheegay in Imaaraadka\u2014oo uu maamulo Maxamed bin Zayed, oo ah nin si weyn u diidan Islaamka siyaasiga ah\u2014ay la safatay Israa\u2019iil si ay u wiiqdo danaha Carabta.<\/p>\n<p>\u201cWaxay isku dayayaan inay daacadnimadii loo hayay midnimada Carabta iyo Islaamka u weeciyaan dhanka saamaynta shisheeye,\u201d ayuu qoray Tuwaijri. Wuxuuna intaas ku daray, \u201cTani waa khiyaano laga galay Alle, Rasuulkiisa, iyo guud ahaan ummadda, mana aha wax la iska indho-tiri karo.\u201d<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfill-optimized\"><\/p>\n<div id=\"aswift_5_host\">\n<div class=\"google-aiuf\">\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Video news production\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Weerarrada lagu hayo kooxaha iska-caabinta<br \/>\nTuwaijri ayaa ku andacooday in shirqoolladan ay ka mid yihiin iskaashi toos ah oo dhanka milatariga iyo sirdoonka ah, taageerada hawlgallada Israa\u2019iil ee Gaza, iyo in saldhigyada milatari ee Imaaraadku ku leeyahay Badda Cas iyo Geeska Afrika loo isticmaalo in lagu fududeeyo weerarrada Israa\u2019iil ku hayso \u201ckooxaha iska-caabinta\u201d Falastiiniyiinta.<\/p>\n<p>Isagoo tusaale u soo qaadanaya dalka Yemen, wuxuu Abu Dhabi ku eedeeyay inay halkaas ka abuurayso fowdo iyadoo taageeraysa kooxo ku sugan koonfurta dalkaas, kuwaas oo si ula kac ah uga horyimid dowladda caalamku aqoonsan yahay.<\/p>\n<p>Bishii la soo dhaafay, dagaalyahanno taabacsan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday magaalooyin, saldhigyo milatari, dekedo, iyo goobo shidaal oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo ka qabsaday dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Axad 25, Jan 2026 {CBB}Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay inay \u201cisku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda (Zionism)\u201d isla markaana ay u dhaqmayso sidii \u201cjaajuus cadow ah oo Israa\u2019iil u dhex joogay dunida Carabta.\u201d Ujeeddada tallaabooyinkan ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8899,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-8898","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8898","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8898"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8898\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8900,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8898\/revisions\/8900"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8899"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8898"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8898"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8898"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}