{"id":8961,"date":"2026-01-26T09:26:42","date_gmt":"2026-01-26T09:26:42","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8961"},"modified":"2026-01-26T09:26:42","modified_gmt":"2026-01-26T09:26:42","slug":"dowlad-gobaleedka-puntland-dhaq-dhaqaaq-siyaasadeed-oo-ka-dhan-ah-deni-oo-ka-bilowday-boosaaso","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=8961","title":{"rendered":"Dowlad Gobaleedka Puntland Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso."},"content":{"rendered":"<p><strong>Isniin\u00a0 26, Jan 2026 {CBB}<\/strong>Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka billowday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari.<\/p>\n<p>Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ayaa waxaa wada siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda hab-maamulka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale. Siyaasiyiintan ayaa dhaliilaya nidaamka uu Madaxweyne Deni ku hoggaaminayo Puntland, iyagoo ku eedeynaya inuu ka gaabiyay arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo horumarka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_3_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<div class=\"td-g-rec td-g-rec-id-content_inline tdi_61 td_block_template_1 \"><ins class=\"adsbygoogle\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-ad-slot=\"1002323234\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_12_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Siyaasiyiinta ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in ay u kuurgalaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta Puntland, isla markaana ay la tashiyo ballaaran la yeeshaan bulshada deegaanka.<\/p>\n<p>Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Saciid Deni inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.<\/p>\n<p>Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Boosaaso maalmaha soo socda lagu wado in lagu qabto shir ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Deni, kaas oo lagu gorfeeyn doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo mustaqbalka maamulka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-8756589205009556\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, isla markaana ay sii kordhiyaan khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka, taas oo laga cabsi qabo inay wiiqdo amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Isniin\u00a0 26, Jan 2026 {CBB}Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka billowday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari. Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ayaa waxaa wada siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda hab-maamulka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale. Siyaasiyiintan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":8962,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-8961","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8961","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=8961"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8961\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":8964,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/8961\/revisions\/8964"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/8962"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=8961"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=8961"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=8961"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}