{"id":901,"date":"2024-08-24T08:06:11","date_gmt":"2024-08-24T08:06:11","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=901"},"modified":"2024-08-24T08:06:11","modified_gmt":"2024-08-24T08:06:11","slug":"hayadda-sodma-oo-luuq-u-dirtay-agab-dib-u-dejin-loogu-sameynayo-qoysaskii-ka-barakacay-dagaal-beeleedkii-halkaas-ka-dhacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=901","title":{"rendered":"Hay\u2019adda SODMA oo Luuq u dirtay agab dib u dejin loogu sameynayo Qoysaskii ka barakacay Dagaal beeleedkii halkaas ka dhacay"},"content":{"rendered":"<p><strong>Sabtii 24 August, 2024 {CBB}<\/strong>Hay\u2019adda Maareynta Musibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee loosoo gaabiyo SODMA ayaa maanta agab loogu talagalay in dib u dejin loogu sameeyo qoysaskii ka barakacay Dagaal beeleedkii ka dhacay Degmada luuq ee Gobolka Gedo u dirtay Degmadaas.<\/p>\n<p>Deeqdaan ayaa u badnayd Teendhooyinka loogu talagalay in lasii dejiyo inta dib u dhiska loogu sameynayo guryahooda oo ku burburay dagaal beeleedkii dhexmaray beelaha walaalaha ah ee heshiiska dhammeystiran laga gaaray.<\/p>\n<p>War kasoo baxay Hay\u2019adda SODMA ayaa lagu sheegay in arrintaan ay ugu talagashay in loogu gurmado qoysaskaan dib u dejinta u baahan maadaama heshiis buuxa laga gaaray dagaalladii beelaha dhexmaray ee Degmadaasi ka dhacay.<\/p>\n<p>SODMA ayaa ballanqaadday in agabkaan ay ku xijin doonto Gargaar bani aadamnimo oo lagu gacansiinayo qoysaskaan Barakaca dib uga soo laabanayo, waxyaabaha ugu badan uu ka koobnaanayo waa Raashin iyo waxyaabaha kale ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in deeqdaan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland ay uga jawaabeyso baaq uga yimid Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS &amp; Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sabtii 24 August, 2024 {CBB}Hay\u2019adda Maareynta Musibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee loosoo gaabiyo SODMA ayaa maanta agab loogu talagalay in dib u dejin loogu sameeyo qoysaskii ka barakacay Dagaal beeleedkii ka dhacay Degmada luuq ee Gobolka Gedo u dirtay Degmadaas. Deeqdaan ayaa u badnayd Teendhooyinka loogu talagalay in lasii dejiyo inta dib u dhiska loogu sameynayo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":902,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-901","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/901","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=901"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/901\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":903,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/901\/revisions\/903"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/902"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=901"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=901"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=901"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}