{"id":9049,"date":"2026-01-29T07:32:26","date_gmt":"2026-01-29T07:32:26","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9049"},"modified":"2026-01-31T07:34:10","modified_gmt":"2026-01-31T07:34:10","slug":"maxkamadda-gobolka-banaadir-ayaa-maanta-si-rasmi-ah-ugu-dhawaaqday-oo-cafis-u-fidisay-axmed-madoobe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9049","title":{"rendered":"Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday oo cafis u fidisay Axmed Madoobe ."},"content":{"rendered":"<p><strong>Khamiis, 29, Jan 2026 {CBB}<\/strong>Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay burisay dacwadda ciqaabeed ee loo heystay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), taasi oo la soo saarey 27\/11\/2024.<\/p>\n<p>Sida ku cad warqad ka soo baxday Maxkamadda oo nuqul kamid ah ay heshay ayaa lagu tilmaamay in go\u2019aanka laalida waaranka uu yimid ka dib markii codsi gal-xirid ah u soo gudbiyay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.<\/p>\n<p>\u201cMaxkamaddu waxay gabi ahaanba xirtay galka dacwaddii loo heystay Axmed Madoobe ee aheyd khiyaano qaran, ku xadgudbida midnimada dalka iyo la wadaagida xogta qaranka ee dalal Shisheeye\u201d ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan oo soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 29\/01\/2026, waxaa ku saxiixan Ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Shuceyb Macallin Aadan.<\/p>\n<p>Maxkamadda Markii ay gaartay go\u2019aankaasi waa laba maalmood ka dib markii doorasho aan la isku raacsaneyn uu ku soo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe, taasi oo dowladda Federaalka ku tilmaamtay mid baalmarsan sharciga.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli Axmed Madoobe oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed la filayo inuu yimaado magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo kulanka uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.<\/p>\n<div class=\"sharedaddy sd-sharing-enabled\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Khamiis, 29, Jan 2026 {CBB}Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay burisay dacwadda ciqaabeed ee loo heystay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), taasi oo la soo saarey 27\/11\/2024. Sida ku cad warqad ka soo baxday Maxkamadda oo nuqul kamid ah ay heshay ayaa lagu tilmaamay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9050,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-9049","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9049","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9049"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9049\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9051,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9049\/revisions\/9051"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9050"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9049"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9049"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9049"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}