{"id":9062,"date":"2026-01-30T07:55:12","date_gmt":"2026-01-30T07:55:12","guid":{"rendered":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9062"},"modified":"2026-01-31T07:57:53","modified_gmt":"2026-01-31T07:57:53","slug":"trump-oo-waxyar-ka-hor-ku-dhawaaqay-in-mareykanka-uu-qaadi-doono-tallaabo-militari-oo-adag","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/?p=9062","title":{"rendered":"Trump oo waxyar ka hor ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag."},"content":{"rendered":"<p><strong>Jimco 30, Jan 2026 {CBB}<\/strong>Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag, kuna wajahan kooxo uu ugu yeeray burcad-badeedda Soomaaliya .<\/p>\n<p>Trump wuxuu sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doonaan oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan weerar ku qaadin maraakiib Mareykan ah.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii adkaynaya, wuxuu caddeeyay in haddii qof ama doon u dhaqaaqdo dhanka markab, la beegsan doono isla markiiba, xitaa haddii markabkaasi uusan ahayn mid Mareykan leeyahay.<\/p>\n<p>Sida uu hadalka u dhigay, \u201cQofkii isku dayo inuu u dhaqaaqo dhanka markab, wuxuu la kulmi doonaa ciqaabta ugu dambeysa.\u201d<\/p>\n<p>Trump ayaa sidoo kale sheegay in burcad-badeedda Soomaaliya lagu daray liis la mid ah midka lagu beegsado kooxaha daroogada ka ganacsada, isagoo yiri: \u201cWaxay wajihi doonaan isla gantaalladii aan u isticmaalno burcad-daroogada.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_4_host\">Way og yihiin waxa sugaya.\u201d<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Hadalladaas intii uu jeedinayay, Trump wuxuu si gef iyo yasid leh u yiri: \u201cSoomaaliya, runtii xitaa ma aqaan\u2026 ma aha dal,\u201d hadal si cad u muujinaya aragti halis ah oo ku wajahan jiritaanka iyo. madaxbannaanida Soomaaliya.<\/p>\n<p>Falanqeyn<br \/>\nInkasta oo burcad-badeedda Soomaaliyeed aysan hadda si firfircoon uga howlgalin xeebaha dalka, haddana hadallada Trump waxay muujinayaan isbeddel halis ah oo ka yimid hanjabaad hadal ah una guuraya ficil militari.<\/p>\n<p>Arrintan waxay xusuusinaysaa qaabka Mareykanku ula dhaqmay Venezuela, halkaas oo lagu marmarsiyooday daroogo iyo amni, balse ugu dambeyn lagu soo rogay cunaqabatayn, go\u2019doomin badeed iyo cadaadis militari illaa uu Mareykanka la wareegay maamulka dalkaa, markii la soo afduubay madaxweynihii talada hayay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_5_host\">\n<div class=\"google-aiuf\">\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"Digital marketing for news\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\">Haddii Soomaaliya lagu dabaqo qaab la mid ah Venezuela, waxaa suuragal ah:<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u2022In xeebaha Soomaaliya lagu kordhiyo kormeer militari oo shisheeye.<br \/>\n\u2022In la beegsado doonyo si qalad ah loo tuhmo.<br \/>\n\u2022In la wiiqo sumcadda iyo madaxbannaanida badda Soomaaliya.<br \/>\nKhatarta Kalluumaysatada;<br \/>\nKalluumaysatada Soomaaliyeed ayaa halis toos ah wajihi kara, maadaama:<br \/>\n\u2022Doonyahooda yaryar si fudud loogu khaldi karo burcad-badeed.<br \/>\n\u2022Dhaqdhaqaaq kasta oo badeed lagu fasiri karo \u201cu-dhawaansho markab\u201d<br \/>\nTani waxay si gaar ah u khatar gelinaysaa nolosha iyo dhaqaalaha kumannaan qoys oo ku tiirsan kalluumaysiga.<\/p>\n<p>Waxaa jira arrin kale oo ay tahay in la xuso, waa loollanka caalamiga ah ee Soomaaliya dhexda uga jirto;<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_6_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Hadallada Trump ee ku wajahan Soomaaliya laguma eegi karo oo kaliya dhinac amni ama burcad-badeed.<\/p>\n<p>Marka si qoto dheer loo falanqeeyo, waxay u muuqdaan qeyb ka mid ah loollan istaraatiiji ah oo caalami ah, kaas oo si gaar ah ula xiriira kheyraadka dabiiciga ah iyo booska juqraafiyeed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Soomaaliya sanadihii u dambeeyay waxay gashay heshiisyo waaweyn oo istaraatiiji ah oo ay la saxiixatay Turkiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin:<br \/>\n\u2022Soo saarista shidaalka iyo gaaska<br \/>\n\u2022Maareynta iyo horumarinta kalluumaysiga<br \/>\n\u2022Iskaashi amni iyo milatari oo sii xoogeysanaya<\/p>\n<p>Heshiisyadan ayaa si cad u muujinaya in Soomaaliya ay u leexanayso ku-tiirsanaanta Turkiga oo hadda noqday saaxiib istaraatiiji ah oo toos ah uga shaqeeya badda, berriga iyo hawada Soomaaliya, taa beddelkeeda Mareykanka muddo dheer wuxuu Soomaaliya u arkayay goob amni, balse ma ahayn goob dhaqaale oo si toos ah uu uga faa\u2019iideysto, wuxuuna u arkaa mid aan la aqbali karin in khayraad uu u arkayay kaydkiisa si fudud Turkiga ama dhinac kale inay Soomaaliya ku wareejiyo , maaddama muddo dheer uu maalgelin iyo taageerro kale siinayay Soomaaliya , xaalad markii lagu daro sida Israa\u2019iil ay khatar istaraatiji ah ugu aragto saameynta Turkiga ee Soomaaliya , waxay si dhab ah u muujinayaan in Mareykanka uu soo faragelin karo xaaladda Soomaaliya.<br \/>\nMaxaa la gudboon dawladda Soomaaliya ?<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_7_host\">\n<div class=\"google-aiuf\">\n<div class=\"google-anno-skip google-anno-sc\" tabindex=\"0\" role=\"link\" aria-label=\"International news analysis\" data-google-vignette=\"false\" data-google-interstitial=\"false\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>Muddo dheer oo ay aamusnaan dooratay Dawladda Soomaaliya ,markan marxalad hadal ka gudubtay oo hanjabaad gaartay ayay ka wajahaysa Trump, sidaa darteed waa lama huraan waqtigan in ;<\/p>\n<p>\u2022Si rasmi ah Soomaaliya uga jawaabto hadallada Trump, kana difaacdo sharafka, jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka.<\/p>\n<p>\u2022La xiriirto Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo caddeeyo in burcad-badeeddu aysan ahayn dhibaato hadda jirta.<\/p>\n<p>\u2022Adkeyso diiwaangelinta iyo aqoonsiga doonyaha kalluumaysiga, si looga hortago khalad militari.<\/p>\n<p>\u2022Dalbato dammaanad caalami ah oo ilaalinaysa kalluumaysatada iyo biyaha Soomaaliya.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><ins class=\"adsbygoogle adsbygoogle-noablate\" data-ad-format=\"auto\" data-ad-client=\"ca-pub-1599381228913023\" data-adsbygoogle-status=\"done\" data-ad-status=\"unfilled\"><\/p>\n<div id=\"aswift_8_host\"><\/div>\n<p><\/ins><\/div>\n<p>\u2022Si cad u muujiso in Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu dabaqo xaalad la mid ah Venezuela, taas oo dhaawacaysa madaxbannaanida qaran.<\/p>\n<p>Haddii aan si taxaddar leh oo degdeg ah loo wajahinin hadalladan, waxaa jirta khatar ah in Soomaaliya lagu jiido mashruuc amni oo shisheeye, laguna marmarsiyoodo burcad-badeed magac ahaan jirta, balse aan si dhab ah u howlgalin.<\/p>\n<p>Tani waxay halis gelin kartaa badda, kalluumaysatada, iyo guud ahaan madaxbannaanida Soomaaliya.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jimco 30, Jan 2026 {CBB}Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay in Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari oo adag, kuna wajahan kooxo uu ugu yeeray burcad-badeedda Soomaaliya . Trump wuxuu sheegay in ciidanka Mareykanku ay gantaallo ku weerari doonaan oo dili doonaan cid kasta oo lagu tuhmo burcad-badeednimo, xitaa haddii aysan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":4,"featured_media":9063,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_monsterinsights_skip_tracking":false,"_monsterinsights_sitenote_active":false,"_monsterinsights_sitenote_note":"","_monsterinsights_sitenote_category":0,"tdm_status":"","tdm_grid_status":"","footnotes":""},"categories":[27,1],"tags":[],"class_list":["post-9062","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka-caalamka","category-wararka-maanta"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9062","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/4"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=9062"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9062\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9064,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/9062\/revisions\/9064"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/9063"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=9062"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=9062"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/radiobaayiyobakool.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=9062"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}